Arbaco, February 25, 2009(HOL): Xarakada Al-Islaax ayaa baaqaan soo saartay ka gadaal markii ay shir ka yeesheen arimaha ku soo kordhay dalka waxayna shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen arrimo badan iyagoo baaqaan u soo jeediyey Madaxda dowladda waxayna hambalyo diiran u direen madaxweyane Sh. Shariif Sh. Axmed sidoo kalena waxay hambalyo u direen Raiisal waasaaraha dhawaan uu magcaabay madaxweynaha Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo golihiisa wasiirrada.
Ururka Xarakada Al-Islaax sida lagu xusay bayaankiisa maanta wuxuu walaac ka muujiyey dhibka xoggan ee heysta shacabka Somaliyeed wuxuuna xusay in ay jiraan dhibaatoyin isugu jira kuwo caafimaad, amni iyo siyaasadaba leh.
Baaqa uu soo saaray Ururka Al-Islaax ayaa sidan u qornaa:
Dowladda Midnimada Qaran waxaa loo fadhiyaa Hirgelinta Shareecada Islaamka qeybaha kala duwan ee nolosha bulshada sida maamul Garsoor, Siyaasad, Dhaqaale, Arrimaha bulshada iyo hoggaan wanaagsan.
Ururku wuxuu walaac ka muujinayaa tirada baarlamanka ee ah tirada baarlamannada aduunka tan ugu badan iyo tirada golaha xakuumadda oo iyaguna aad u badan, waxaana lagama maarmaan ah ayaa lagu yiri bayaanka in la muujiyo wada shaqeyn adag, hufnaan, maamul wanaagsan iyo caddaalad.
Ururka Al Islaax wuxuu ku boorinayaa dowladda midnimada qaran in mudada ku meel gaarka ah ee gaaban si habsami ah u fuliso waajibaadka dastuuriga ah ee ummadu ka sugeyso, ayna ka mid yihiin soo celinta amniga iyo kala danbeynta, dhameystirka dhab u heshiisiinta qaran, dejinta iyo ilaalinta miisaaniyadda dalku leeyahay.
Dajinta dastuur qaran oo ku saleysan shareecada islaamka dhisidda maamullada gobollada iyo degmooyinka dalku leeyahay, hirgelinta tirakoobka dadweynaha diyaarinta xeerarka axsaabta iyo doorashooyinka dhici doona dhamaadka xiliga ku meel garka ah kuna saleysan mabda’a hal qofba hal cod.
Ururku wuxuu ugu baqayaa Ummada Soomaaliyeed in ay taageraan dowladda midnimada qaran siisana fursad ay wax uga qaban karto shacabkuna waa in uu muujiyaa samir iyo dulqaad, waana in ay gutaan qiimeeyaanna sixidda toosinta.
Xarakada Al Islaax waxay mahad ballaaran u soo jeedineysaa intii ka qeyb qaadatay guushii dhab u heshiisiinta qaran iyo dhisidda dowladda cusub, waxaana ugu horeeya dowladda Djibouti ee uu madaxweynaha ka yahay Ismaaciil Cumar Geele, Madaxweyne Sh Shariif Xukuumaddiisa iyo shacabka soomaaliyeed dhammaan iyagoo isku duuban.
Guntii iyo gabagabadii ururka Al Islaax wuxuu Allaah ugu baryey Shacabka Soomaliyeed towfiiq, isku duubni, barwaqo iyo dowlad caadil ah. Bayaanka Al Islaax waxaa ku saxiixnaa Afhayeenka Al Islaax Cabdiraxman Macalin Cabdulaahi Baadiyow.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia