Arbaco, February 25, 2009(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa saaka waxaa mar kale ka dhacay dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Ciidmada Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag u daacad ah Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.
Dagaalka saaka oo ka dhacay Xaafadda Taleex oouu shalay dagaalka ka bilowday ayaa wuxuu saameeyay xaafado ka fog fog halka uu dagaalka ka dhacay, waxayna madaafiic ku dhacday Xaafadaha Towfiiq iyo Bangaariyada oo u dhow Suuqa Qudaarta Bakaaraha ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Madfac ku dhacay Dugsi Qur’aan ku yaala Xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid ayaa wuxuu geystay dhimashada Arday wax ka baranayay Dugsigaas iyo dhaawaca seddex kale oo labo ka mid ah ay la dhasheen wiilka dhintay.
Madfac kale oo ku dhacay Xaafadda Bangaariyada ee Suuqa Bakaaraha ayaa isna wuxuu geystay dhimasho iyo dhaawac aan weli la helin inta uu cadadkeeda la egyahay. Xaafado dhowr ah oo ka tirsan Degmada Hodan oo dhawaanahan ay ku soo noqonayeen dad horay uga barakacay ayaa hadda mar kale laga sii barakacayaa.
Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay dagaalladii shalay iyo saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay gaarayaan 30 dhimasho ah iyo dhaawac kor u dhaafaya 100 ruux, waxayna dhamaan dadkaasi yihiin dad rayid ah oo ay gurayahooda iyo goobahooda ganacsiga ugu tageen madaafiic ay isugu adeegsadeen dhinacyada dagaallamaya.
Ugu dambeyntiina, waa dagaalladii ugu cuslaa oo Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ka baxeen Soomaaliya, gaar ahaan fariisimo ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana haatan la is-weydiinayaa sababta haddiiba ay baxeen Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ay dagaallada weli u sii socdaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia