![]() |
![]() |
| Cajabo Qaliinka ka hor sida ay ahayd | Cajabo Qaliinka kadib sida ay tahay |
Arbaco, February 25, 2009(HOL): Waxaa lagu guuleystay in Isbitaal ku yaala Dalka Kenya lagu daweeyo Caruur badan oo ku xanuunsaneyn dalka Soomaaliya, kuwaasi oo qabay xanuunno kala duwan.
Caruurtan oo qaarkood ay burooyin uga yaalleen meelo kala duwan oo jirkooda ah, qaar kalena ay madaxa biyo ka galeen ayaa waxaa lagu daweeyay Isbitaal Kijabi lagu magacaabo oo dalka Kenya ku yaala, waxaana Isbitaalkaas u soo dhameeyay Muwaadin Soomaaliyeed oo in muddo ah ku dadaalayay sidii loo daweyn lahaa Caruur iyo Dad waa weyn oo gudaha Soomaaliya lagu daweyn waayay.
![]() |
![]() |
| Axmed Daweynta ka hor sida uu ahaa | Axmed daweynta kadib sida uu noqday |
Muwaadinkan oo lagu magacaabo Cabdi Muuse Maaxaay oo kaashanaya Dad Soomaaliyeed oo ku nool Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa wuxuu ku guuleystay in Caruurtaas iyo weliba dad waa weyn oo ku xanuunsanaya gudaha Soomaaliya uu daweyn u geeyo Dalka Kenya, waxaana lagu guuleystay in Caruurtii oo qaarkood la soo daweeyay ay dib ugu noqdaan Soomaaliya.
Caruurta la soo daweeyay ee Dalka dib ugu soo noqotay waxaa ka mid ah gabar yar oo qoorta ay buro weyn uga taallay oo Cajabo la yiraahdo, Wiil Axmed la yiraahdo oo madaxa biyo uga jireen iyo Gabar kale oo Maryan la yiraahdo oo iyadana madaxa ay biyo uga jireen, biyahiina laga miiray.
Halkan ka dhegeyso Wareysi aan Arrimaha
Caruurtaas kala yeelannay Maaxaay-HOL

Maaxaay oo dhabta ku haya Cajabo iyo Hooyadeed Ubax oo dhinac taagan
Maaxaay oo dhabta ku haya Maryan oo biyihii madaxa uga jiray laga miiray
Maaxaay iyo Dhaqaatiir Ajnabi ah oo ku wada sugan Isbitaal ku yaala Addis Ababa oo Caruurta looga daweeyo Cudurrada Wadnaha ku dhaca
Haddaba wixii faahfaahin dheeraad ah oo caruurtan ku saabsan kala xiriir Caabiyo Ciise, Fartuun Xuseen iyo Cabdi Muuse Maaxaay.
Caabiyo Ciise
612-298-1044
Minneapolis Minnesota
Fartuun Hussein
612 481-4623
Cabdi Muuse Maaxaay
5079909445
Ama [email protected]
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia



