Xildhibaano iyo Wasiirro ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya oo Muqdisho ku laabtay

Cabirka Farta

Arbaco, February 25, 2009(HOL):  Ku dhawaad 100 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ay wehlinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta waxay dib ugu laabteen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xildhibaannadan oo isugu jiray kuwo ka tirsanaa Dowladdii TFG-da iyo kuwo ku soo biiray oo ka tirsanaa Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa waxay ka soo kicitimeen Magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti, halkaasi oo ay dhawaanahan ku sugnaayeen.

Xildhibaannadan ayaa waxay hordhac u yihiin Xildhibaanno dhowr ah oo ku sugan Dalka Jibouti, kuwaasi oo iyana saacadaha soo socda soo gaari doona Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in Xildhibaannada Dowladda Soomaaliya xalay xaflad sagootin ah loogu sameeyay dalka Jibouti.

Xildhibaannadan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa imaatinkooda Muqdisho wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay iyo maanta ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogag daacad u ah Xisbul Islaam oo ka soo horjeeda.

Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya ayaa waxay leedahay Xildhibaanno gaaraya 550 mudane oo lagu qeybiyay qaabka 4.5 iyo Xukuumad Wasiirradeeda ay gaarayaan 36 Wasiir, kuwaasi oo iyana sidoo kale lagu qeybiyay qaabka 4.5, inkastoo ay jiraan beelo ka cabanaya qaabka Wasiirrada loo qeybiyay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia