Arbaco, February 25, 2009(HOL): Cubbaada ibnu Saamit Alle haka raalli noqdee waxa laga weriyay in Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) uu yiri: (Ummadayda kamid ma aha qofkaan keenna weyn qaddarin, keenna yarna u naxariisan, aqoon-yahankeennana aan darajadiisa u aqoonsan)[1].
Xuquuqda bulshada ee ahmiyadda mudan, waxaa kamid ah, xaqa macallinka. Ardaygu waxa loo baahan yahay inuu macallinkiisa ixtiraamo, qaddariyo, gudashada xaqiisana u istaago. Waxaa taas loo baahan yahay gaar ahaan kolka uu macallinku yahay nin dhawrsan oo Alle ka baqa, akhlaaq wanaagna ku tilmaaman.
Talooyinkii iyo dardaarankii Suubbaneheennii Maxamed (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) haddaynu qaar soo qaadanno, waxaa kamid ah:
Jaabir Alle haka raalli noqdee waxa laga weriyay: (Nabigu (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) raggii Uxud lagu laayay laba labo ayuu qabriga u gelinayay, isagoo leh: (Kee baa Qur'aanka qaadan ogaa?), kii loo tilmaamana budda ayuu hor dhigayay)[2].
Xadiithkaas iyo kii ka horreeyayba waxaynu kala dhex baxaynaa talooyinkan soo socda:
- Ardaygu waa inuu isu liidaa macallinkiisa, waana in aanu ra'yigiisa iyo taladiisa ka bixin, waana inuu sidii bukaankii iyo dhakhtarkii ula tashadaa, raallinimadiisana doonaa. Waa inu ogaadaa in isu liididda macallinku ay sharaf, haybad iyo ciso tahay.
Usaama ibnu Shariik Alle haka raalli noqdee waxa laga weriyay: Nabiga (Sallal-Laahu calayhi wa-Sallam) ayaan u imid asxaabtiisii ood mooddo in madaxa shimbiri ka wada saaran yahay)[3]. Micnaha iyaga oo hoos wada eegaya oon is-dhaqaajinayn, isaguna uu wacdinayo.
- Ardaygu waa inu macallinkiisa il qaddarin leh ku eegaa, kana aaminaa inuu yahay qof dhammays ahoo wax u dhimani jirin, sidaas buuna faa'iidada ugu badan uga heli karaa.
Imaan Shaafici Alle haka raalli noqdee wuxu yiri: (Markaan Xaashida Imaam Maalik hortiisa ku rogayo, si qajaf la'aan ah ayaan u rogi jiray si dhawaqeedu aanu dhegtiisa ugu dhicin)[4].
Rabiic oo kamid ahaa ardadii Imaam Shaafici wuxuu yiri: (Ilaah baan ku dhaartaye in aanan weligay ku dhiirran imaam Shaafici oo ifiirinaya inan biyo cabo, haybadda aan u hayo awgeed)[5].
Ardaygu macallinkiisa waa in aanu magaciisa oo qaawan ugu wicin ama marka uu maqan yahay dadka kale kuhor sheegin, sida Maxamed, Cali, iwm., balse uu dhoho; Macallin Maxamed, Sheekh Cali, macallinkayga, sheekhayga, iwm.
- Ardaygu waa in uusan illaawin xaqa uu macallinku ku leeyahay. Shucba wuxuu yiri: (Ninkaan hal Xadiith ka maqlo addoon baan intaan noolahay u ahaan jiray)[6]. Qofka wax bartay waxa looga baahan yahay inuu macallinkiisu inta uu noolyahay u duceeyo, geeridiisa keddibna qoyskii, qaraabadii iyo saaxiibbadii uu ka tegay daryeelo, isagana u dembi-dhaaf weydiiyo, sadaqo u bixiyo, waxyaabihii caadada u ahaa ee cilmiga iyo diinta ku saabsanaa uga daydo, akhlaaqiisiina qaato.
- Ardaygu waa inuu ku sabro canaanta iyo dabeecad xumida macallinkiisa. Waa in aanay canaantu ka reebin inuu daba socdo oo ka faa'iideysto, wixii ka caraysiinayana ka waantoobo, iskana ilaaliyo.
Waxaa la yiri: Qofkaan cilmiga u sabrini cimrigiis jaahilnimo kama baxo, kii u sabraana ciso Adduun iyo mid Aakhiruu calfadaa.
Sheekh Shaafici Alle haka raalli noqdee wuxuu yiri: Sufyaan ibnu Cuyayna ayaa lagu yiri: Dad baa meela fogfog kaaga imaanaya, markaas intaad ku qayliso ayaa qayladaada darteed laga yaabaa inay kaaga tagaan. Qofkii hadalka yiri buu markaas ku yiri: (Waa dabbaallo hadday dabeecad xumidayda darteed dantooda uga tagaan)[7].
Waxaa la yiri: Macallinka iyo dhakhtarka haddaan la hagaajin ma hagar baxaan ee haddaad dhakhtarka xumayso jirradaada u adkayso haddaad macallinka xumaysana jaahilnimadaada u adkayso.
Xuquuqda macallinka waxaa kamid ah in kolka dad uu ku jiro aad u timaado, markaad si guud u salaanto isaga si gaar ah u gacan qaaddo, hortiisa fariisato, fartana aadan ku fiiqin. Meel uu joogo in aadan qof ku xaman, qofna ku ceebayn. Ceebihiisa in aadan baarbaarin, hadduu gefana aad gefkiisa ka gudubto. In aad qaddariso ood qiimayso. Hadduu dan leeyahay inad gudista xaajadiisa dadka kale uga hormarto. Kolkaad wax weydiinayso in aadan su'aasha ku ilxaaxin. La socodkiisa in aadan ka daalin, maxaa yeelay waxa weeye sida geedka timirta oo garan maysid goor uu timir macaan kuusoo tuuri doono.
- Ardaygu waa in aanu macallinka albaaka gurigiisa amaba geyi isaga u gaar ah idan la'aan ugu gelin, ama keligiis ha ahaado ama cidi ha la joogto eh. Hadduu idan weydiisto oo uu siin waayo waa in aanu ku celcelin ee iska daayo, hadduu in aanu maqlin ka shakiyana saddex jeer ka badan in aanu ku celin.
- Ardaygu hadduu macallinka wax uu hore u garanayay ka maqlo, in uu sidii wax ku cusub u dhegaysto. Cadhaa' nin la oran jiray wuxuu yiri: (Xadiith baan qof ka dhegeysanayaa anigoo isaga uga aqoon badan, waxaanan isaga dhigayaa sidii in aanan waxba ka garanayn). Waxa kaluu yiri: (Nin dhallinyaro ah baa Xadiith ii sheegaya, markaas baan sidii anigoon weligay maqal uga dhegeystaa, intaanu dhalan baanan maqli jiray)[8].
- Ardaygu waa inuu iridka fasalka ama dugsiga amaba masjidka kasoo galaa qalbigiisa oon wax kale ku mashquulsanayn, diyaarna u ah dersiga markaas baxaya. Kolka macallinku dersiga sharxayo waa inuu si fiican u dhegeystaa, hadday wax dhaafaanna intuu macallinka hal mar weydiiyo, jawaabta si fiican u dhuuxaa, waana in aanu su'aalaha ka badin.
- Ugu dambayntii, waalidiintu waa inay ubadkooda u doortaan macallimiin Alle iyo maalinta aakhiro ka baqaya, ubadkana tubta toosan ku duwaya. Waa inay ogaadaan macallinka ay ubadkooda u geynayaan in sida isagu uu yahay uu ubadka ka dhigayo ee waalid baloowba ciddaad ubadkaaga ku ammaanaysan lahayd dooro.
Sabriye Macallin Muuse
[email protected]
Minnesota – United States
[1] Axmed (23135).
[2] Bukhaari (1343).
[3] Abuu-Daa'uud (3855).
[4] Calwaan (Tarbiyatul-Awlaad fil-Islaam: 1/310).
[5] Calwaan (Tarbiyatul-Awlaad fil-Islaam: 1/310).
[6] Al-Khadhiib Al-Baghdaadi (Al-Jaamic: 1/191).
[7] Calwaan (Tarbiyatul-Awlaad fil-Islaam: 1/311).
[8] Al-Khadhiib Al-Baghdaadi (Al-Jaamic: 1/200).
Sabriye M. Musse
1865 Northway Dr. #21
North Mankato, MN 56003
U.S.A.
Email: [email protected]
Email: [email protected]