Khasaaraha ka dhashay Dagaal maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo sii kordheysa

Cabirka Farta

Talaado, February 24, 2009(HOL): Waxaa sii kordheysa khasaaraha uu geystay dagaal maanta ka dhacay Xaafado ka dhacay Degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Midnimada Qaran iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam oo ay ku midoobeen Afar kooxood oo ka tirsan kuwa ka dagaallama Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Inta la xaqiijiyay dad ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyooday madaafiic la isugu adeegsaday dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, ku dhawaad 100 ruux oo kalena wey ku dhaawacmeen, waxayna dadka dhintay ay dhamaantood yihiin dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic ay dhinacyada dagaallamay isugu adeegsadeen.

Dadka dhintay ayaa waxay madaafiicda ugu tageen xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay, waxaana xaafadahaas ka mid ah Xaafadda Zope, Xaafadda Shanta Geed ee Howl-Wadaag, agagaaraha Masjidka Bil iyo Xiddig ee ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha, Xaafadda Taleex iyo inta u dhaxeysa Isgoyska Baar Ubax iyo Black Sea.

Waxaa xusid mudneyd in dadka dhintay, gaar ahaan haweeney iyo canug yar oo ku dhintay Xaafadda Shanta Geed ee Degmada Howl-Wadaag ay saacado ka hor ka soo noqdeen barakac ay in muddo ah gurigooda uga maqnaayeen.

Dagaalkan khasaaraha geystay waxaa ka hadlay Saraakiil ka kala tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya iyo Xisbul Islaam. Col. Xuseen Cusmaan Dhuumaal oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa  sheegay in saaka ay weerar ku soo qaadeen fariisin ay ciidamadooda leeyihiin kooxo hubeysan oo uu sheegay in ay ka soo horjeedaan nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay dagaalkaas labo askari kaga dhinteen.

Shiikh Muuse Cali oo isna u hadlay Xisbul Islaam ayaa sheegay in dagaalka dhacay ay uga hortegayeen sida uu u yiri Ciidamadii Maryo-Calasta ahaa oo doonayay in ay is-ballaariyaan, isla markaana ay qabsadaan meelo ay xoogaggooda ku sugan yihiin.

Ugu dambeyntiina, dagaalka maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay dagaal khasaare geystay uu ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya balse markoodii ka kala tirsanaa Dowladdii TFG-da iyo Maxkamadihii Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia