Gacan ka geyso kaalmeynta gabar yar oo aan lahayn meel ay ka saxarooto

Cabirka Farta

Shukri Cusmaan Yuusuf Faarax oo 7 Bilood jir ah
Talaado., February 24, 2009(HOL): Shukri Cusmaan Yuusuf Faarax oo 7 bilood jir ah, Hooyadeedna la yiraahdo Xaawo Maxamuud Cusmaan, isla markaana ku nool Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal waxaa ay u baahan tahay qalliin deg deg ah.

Shukri ma lahan meel ay ka saxarooto, hayeeshee haddii qalliin lagu sameeyo waa loo sameyn karaa, waxayna deg deg ugu baahan tahay in dibadda loo qaado si qalliin loogu sameeyo.

Nasiib Wanaag Cabdi Muuse Maaxaay oo indhawaalaba caawinayay Caruurta Soomaaliyeed ee gudaha Soomaaliya ku xanuunsaneysa ayaa ku guuleystay in Isbitaal ku yaalla dalka Kenya lagu qalo Shukri, waxaase loo baahan yahay in Shukri iyo mid ka mid ah Waalidiinteeda lagu kaalmeeyo tikidhkii ay ku tegi lahaayeen Dalka Kenya oo uu ku yaallo Isbitaalka Shukri lagu daweyn doono haddii Alle idmo.

Cabdi Muuse Maaxaay iyo Dr. Daahir Aadan Maxamed oo Garowe ku sugan waxay labaduba isku raaceen in Shukri la daweyn karo haddii deg deg loo gaarsiiyo Isbitaalka daweynta looga helay, waxayse ka deyriyeen xaaladda gabadha haddii aan dhaqsi isbitaalkaas loogu qaadin.

Halkan ka aqri Warqadda Dhaqtar loo geeyay Shukri

Haddaba cid kasta oo dooneysa in ay caawiso Shukri Cusmaan Yuusuf waxay la xiriiri kartaa Caabiyo Ciise, Fartuun Xuseen iyo Cabdi Muuse Maaxaay

Caabiyo Ciise
612-298-1044
Minneapolis Minnesota
Fartuun Hussein
612 481-4623
Cabdi Muuse Maaxaay
5079909445
Ama [email protected]

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia