Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii Is-maadaaminta ahaa ee lagu qaaday Ciidamada Amisom

Cabirka Farta

Talaado., February 24, 2009(HOL): Waxaa isa soo tareysa cambaareynta loo jeedinayo ciddii ka dambeysay weerar is-miidaamin ahaa oo dorraad lagu qaaday Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Xarunta Jaamacaddii Umadda ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shalay isagoo saxafiyiin kula hadlayay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa uu cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Ciidamada Amisom, wuxuuna sheegay in weerarkaas uu ahaa mid aan loo baahneyn.

Madaxweyne Shiikh Shariif oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in aaney Dadka Soomaaliyeed dhaqan u lahayn in ay dilaan dadka martida u ah, wuxuuna caddeeyay in Ciidamada Amisom oo u yimid in ay kaalmeeyaan dadka Soomaaliyeed ay baxayaan haddii laga maarmo. Intaas kadib Madaxweynaha waxaa uu tacsi u diray Qoysaskii ay ka geeriyoodeen Askartii Qaraxa is-miidaaminta ah ku geeriyootay.

Danjiraha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Bwakira oo wareysi siiyay Idaacadda BBC-da ayaa cambaareeyay weerarkaas, wuxuuna sheegay in qolayaha soo weeraray ciidamadooda ay doonayaan in ay joojiyaan howlaha nabad ilaalinta ah ee ay Soomaaliya u joogaan.

“Kama xishoon doonno howsha aan Soomaaliya u joogno ee nabad ilaalinta ah, welibana waa la sii kordhinayaa Ciidamada Uganda iyo Burundi ee Muqdisho ku sugan, kuwo kalena waa lagu biirinayaa”ayuu yiri Nicolas Bwakira.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon ayaa isna cambaareeyay weerarka lagu qaaday Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in kooxaha weerarkaas geystay aysan qiil sharci ah u heli doonin falka ay ku kaceen.

Ban Ki-moon waxaa uu intaas ku daray in Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ka howlgelaya ay yihiin kuwo heysta ogolaasho iyo taageero caalami ah, wuxuuna farta ku fiiqay in ay Ciidamadaas waajibaadkooda gudan doonaan dhibaato kasta oo soo wajahda.

Weerarka is-miidaaminta ah ee lagu qaaday Ciidamada Amisom ayaa waxaa ku dhintay 11 Askari, in ka badan 15 askari oo kalena dhaawacyo culus ayaa ka soo gaaray, iyadoo weerarkaasna uu sheegtay Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia