Guddida Doorashooyinka Somaliland oo sheegay in ay suurtagal tahay dib-u-dhac ku yimaadda Doorashada Madaxtooyada

Cabirka Farta

Talaado, February 24, 2009(HOL): Guddida Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in ay Doorashada Madaxtooyada ee la filayo in ay dalka ka dhacdo 29-ka March ee sanadkan ay dib uga dhacdo waqtigaas, iyaga oo ku sababeeyay waqtiga la haysto iyo baahiyaha jira oo kala badan awgeed.

Guddida Doorashooyinka oo maanta warbixin siiyay Golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in ay jiraan caqabado hortaagan Doorashooyinka, isla markaana la qaban karo Doorashooyinka kaliya marka laga gudbo caqabadahan. “Hawshii Diiwaangelinta iyo Agabka kala saaridda Cod-bixiyayaasha wuu wada yimi oo waa diyaar in uu hawl-galo, soona saaro Liiska dadka codaynaya oo sax ah. markaa waxa muuqan kara in loo baahan yahay waqti Doorashooyinka lagu qabto, taasna waxa ka tashanaya Axsaabta iyo Komishanka Doorashooyinka.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiye-xigeenka Guddida Doorashooyinka Somaliland Cali Maxamed Cabdalla (Biikalo) oo ka hadlayay Kulanka maanta ay Guddida Doorashooyinku la yeesheen Golaha Wakiillada.

Guddida Doorashooyinka Somaliland waxay sheegeen in aanay Doorashooyin qaban karin ilaa ay helaan Lacagaha lagu qabanayo Doorashooyinka ee ay bixinayaan Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ahi. “Saddex Dariiqo ayaa loo marayaa Doorashooyinka, ta u horraysa oo ah Diiwaangelinta oo kala-shaandhayntooda lagu jiro. In la helo Miisaaniyaddii ay bixinnayeen Deeq-bixiyayaashu, taas oo aananu qaban karin la’aanteed wax Doorasho ah. in la dalbado Qalabka lagu qabanayo Doorashooyinka ee sida Waraaqaha iyo Sanaaduuqda codaynta, kuwaas oo markii aanu Shirkaddaha la xidhiidhnay ay noo sheegeen in ay ugu yaraan 34 maalmood dalka ku soo gaadhayaan. Waxa kale oo iyana jirta in Ololihii iyo qorashada Shaqaalaha ka hawl-galaya Doorashada waqti loo helo. Waxaas oo dhan ayaa na sugaya oo aananu ilaa hadda kharash u haynin, idinkuna (Golaha Wakiilada) waxaad na leedihiin goormay doorashadu qabsoomaysaa?” sidaa waxa yidhi Axmed X. Bidaar oo ka mid ah Xubnaha Guddida Doorashooyinka ee maanta Golaha Wakiilada hortegay, waxaanu sheegay in loo baahan yahay waqti hawlahaas oo dhan lagu fuliyo.

Intaa ka dib waxa Xildhibaanada Golaha Wakiilada qaarkood halkaa ku waydiiyeen Su’aalo ay ka mid ahayd su’aal nuxurkeedu ahaa waqtiga la bilaabayo kala shaandhaynta dadka laba goor iyo in ka badan is-diiwaangeliyay, waxaanay sheegeen in dhawaan la bilaabayo, islamarkaana ay socon doonto muddo toddobaad ah.

Sidoo kale waxa la waydiiyay waqtiga ay suurtogal tahay in doorashada la qabtaa in ay tahay inta ka horraysa 6-da Bisha April ee sanadkan oo Axsaabtu ku heshiiiyeen in ay doorashadu dhacdo iyo in ay ka dib dhacayso. “Axsaabtu waxay ku heshiiyeen in inta ka horraysa 6-da bisha April ee sanadkan Doorashada la qabto, balse haddii xaalado yimaadaan sida tan ay Diiwaangelintu keentay oo kale talo laga gaadho. Taladaasna waxa leh oo isaga imanaya Axsaabta iyo Komishanka oo imikaba ka wada socda, iyaga ayaana waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo Doorashada iyada oo laysla ogol yahay sida wada-jir ah ugu dhawaaqaya.” Sidaa waxa ku jawaabay Guddoomiye-xigeenka Komishanka Doorashooyinka Mr. Cali-Biikalo.

Axsaabta Mucaaradka ah, gaar ahaan Xisbiga Kulmiye ayaa hore uga digay in dib loo dhigo Doorashada Madaxtooyada, isla markaana wuxuu ku baaqay in la qabto waqtiga loogu talo-galay oo ah 29-ka bisha March ee sanadkan.
 
Barkhad M. Kaariye,  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland