Talaado., February 24, 2009(HOL): Wafdigii ka socday Culumaa’udiinka Islaamka ee Caalamka ayaa waxay kulan la qaateen Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid ahaayeen in ay dhexdhexaadiyaan Dowladda iyo mucaaradka ka soo horjeeda.
Shiikh Maxamed Cusmaan oo ka mid ah Culumaa’udiinka kulanka la qaatay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ka wada hadleen iyaga iyo madaxweynaha arrimo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa khilaafyada ka dhex jira Dowladda Midnimada Qaran iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda.
“Marka aan fiirino natiijada wada hadalladii aan la yeelanay Madaxweynaha iyo dhinacyada ka soo horjeeda iyo weliba culumaa’udiinka musaalaxada ma jiro farqi weyn oo u dhaxeeya laba dhinac, waxyna qabaan afkaar isku mid ah oo ah in dalka lagu xukumo Shareecada Islaamka, Ciidamada Shisheeye dalka laga saaro iyo Dastuurka u degsan Dowladda laga dhigo mid waafaqsan Shareecada Islaamka”ayuu yiri Shiikh Maxamed Cusmaan oo carabka ku dhuftay in farqiga kaliya oo ay arkeen uu yahay waqtiga arrimahaas lagu fulinayo.
Shiikh Maxamed Cusmaan waxaa uu sheegay in ay weli u socdaan kulamadii ay la yeelanayeen Dowladda iyo Xoogagga ka soo horjeeda, wuxuuna caddeeyay in marka ay kulamadaas u soo dhamaadaan ay soo saari doonaan bayaan kama dambeys ah oo ay ku sheegayaan natiijada ka soo baxda howshii dhexdhexaadinta ahayd ee ay Muqdisho u yimaadeen.
Ugu dambeyntiina, culumaa’udiinkan oo uu soo diray Guddoomiyaha Culumaa’udiinka Muslimiinta Caalamka Shiikh Yuusuf Al-Qardaawi ayaa waxay horay ula soo kulmeen Culumaa’udiika Musaalaxada iyo Xisbul Islaam oo ay ku mideysan yihiin Afar Kooxood oo ka mid ah Xoogagga ka dagaallama Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia