Hay'adda DRC oo Deeq lacageed gaarsiisay Qoysas sabool ah oo ku Dhaqan Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Talaado., February 24, 2009(HOL): Marka laga soo tago dadka soo barakacay ee ku jira Xeryo ay ka sameyteen duleedka Magaalada Beledweyne, waxaa xusid mudan in ay jiraan Qoysas badan oo aan laheyn Xeryo gaar ah oo ay degan yihiin laakiin nolal ahaan marka hoos loo sii eego la oran karo waa kuwo wax badan ka liita Qoysaska barkacayaasha.

Qaarkood dadkan waxaa ay nolashooda ku dabaraan Dawarsi, halka Haweenka qaarkoodna Subixii marka uu waagu baryo ku kalahaan Xaafadaha ay ku loo yihiin Qoysaska ladan simarkaa ay u helaan shaqooyin yar yar oo lagu siiyo lacag u dhiganta nolasha maalintaa oo kaliya, inkastoo hadana la oran karo fursadahaasi ma'aha kuwo mar walba jira.

Hay'adda DRC ayaa markii ugu horeysay waxaa ay deeq lacageed siisay in ka badan 600 oo Qoys kana mid ah dadka Saboolka ah ku nool Xaafadaha Magaalada, iyada oo Qoyskiiba uu helay lacag dhan  ($75 Doolar ) oo u dhiganta 2,100,000 oo Sh. So, ah.
 
Qaar ka mid ah Qoysaska helay deeqda lacageed oo ay wareysatay HOL ayaa waxaa ay sheegeen in tani ay u noqoneyso fursadoodii ugu horesay oo ay helaan, iyaga oo intaa ku daray in markii ay hore ay ahaayeen Qoysas ku dhax milmay Xaafadaha Magaalada laakiin nolal ahaan aad isaga liitay, waxaana ay intaa raaciyeen in ay siweyn uga mahad cilinayaan Hay'adda DRC kaalmada ay soo gaarsiisay oo ah mid aad u badan marka loo eego nolasha ay ku jiraan.

Mid ka mid ah dadkii ay la hadashay HOL oo aheyd Haweeney dad ah ayaa waxaa ay  tiri '' Waxaan ku noolahay gacanta Gabar aad u da'yar oo aan dhalay taa oo Subixii marka uu waagu baryo soo mar marta Xaafadaha, mar marka qaar waxaa ay heshaa shaqooyin ay ka mid yihiin Dhaqadi dharka, Tumista Badarka, ama Xitaa Nadiifinta Guryaha, waxaana ay dib ula soo laabtaan wax yar oo ay ka hesho shaqooyinkaa, runtiina waa nolal dhab badan ayeey tiri Haweeneyda oo sheegtay in ay heshay deeqda Hay'adda DRC.

HOL oo siweyn ugu guurgashay Nolasha Qoysaska Saboolka ah ee ku dhax nool Xaafadaha, ayaa ogaata in ay jiraa dhabaatooyin badan oo dhinaca Nolasha ah oo la soo darsay Qoysaskaasi, gaar ahaan Caruurta oo ah kuwo ay siweyn ugu muuqto Nolasha adag ee la soo daristay Qoysaska ay ka tirsan yihiin.

Sacdi Xusseen oo ah Gabar 14 Sano jir ah ayeey HOL ku booqtay gurigii ay daganaayeen xili Sacdiyo ay ku mashuulsaneyd Tumista Haruur sida ay sheegtay ay u keensadeen Qoysaska Ladan, waxaana ay sheegtay in marka ay hagaajiso Haruurka la siiyo lacag qiimo ahaan ka yar $ 2 Doolar.

Sikastaba ha ahaateen, inkastoo Hay'adda DRC qaatay talaabo ku dayasho mudan oo lagu caawinayo Qoysaska Saboolka ah ayaa hadana waxaa muhiin in Hay'addaha Samafalku il gaar ah ku eegaan Qoysaska noocaa oo kale ah kuwaa oo marka laga soo tago Magaalada Beledweyne ee Xaruta u ah Goballka Hiiraan, sidoo kale laga heli karo in badan oo ka mid ah qeybaha Dalku ka kooban yahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia