Talaado, February 24, 2009(HOL): Dagaal la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka wuxuu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasina uu ahaa mid geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo weerar ku qaaday ayaa ilaa iyo haatan inta la xaqiijiyay waxaa uu geystay dhimashada dad gaaraya 11 ruux iyo dhaawac 30 ruux gaaraya.
Dadka dhintay ayaa 2 ka mid ah waxay ku geeriyoodeen Xaafadda 5-ta Geed ee Degmada Howl-Wadaag, waxaana labadaas ruux oo ahaa ilmo yar iyo hooyadiis ku dul-habsaday Madfac habow ah oo ka mid ah kuwii ay isku ridayeen dhinacyadii dagaallamayay.
6 ruux oo kale oo dadka dhintay ka mid ah ayaa iyana waxay ku geeriyoodeen nawaaxiga Daarta Zope ee Degmada Hodan, waxayna ahaayeen dadkaas kuwo dhaqtar sugayay. Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ku geeriyooday labo ruux dhaawac ahaan loo geeyay, halka madfac ku dhacay nawaaxiga Isgoyska Baar Ubax uu qof kale ku geeriyooday.
Xaafadda Taleex ee uu dagaalka ka dhacay ayaa waxay ahayd mid ay dib ugu soo noqonayeen dad horay uga barakacay, waxaana saaka la arkayay dadkaas oo mar kale guryahooda ka sii qaxaya.
Dagaalka saaka ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo shalay dagaal khasaare geystay uu ka dhacay Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya balse markoodii ka kala tirsanaa Dowladdii TFG-da iyo Maxkamadihii Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia