Talaado., February 24, 2009(HOL): Golaha Abwaannada Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa ugu baaqay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya in ay daryeel u fidiso Naafadii waxyeelowday Dagaalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay 1977 iyo dagaalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya ee dhacay 2007-2008.
Afhayeenka Golaha Abwaannada Soomaaliyeed Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa ugu baaqay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya in looga fadhiyo in ay daryeesho naafadaas oo isugu jiray kuwo waqti hore naafoobay iyo kuwo dhawaan naafoobay.
Abwaan Guure ayaa intaas ku daray in naafadaas ay ka gedisan yihiin dadka ku naafoobay dagaallada sokeeye waayo buu yiri waxaa ku dhacday xabado iyo madaafiic ay ku rideen ciidamo cadaw ah.
Baaqan ka soo baxay Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo weli qaar ka mid ah Isbitaallada Muqdisho ay ku jiraan Dad ku waxyeelloobay dagaalladii dhacay intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Magaalada Muqdisho.
Naafadii ku waxyeelowday Dagaalkii 1977 ayaa waxay ku nool yihiin Isbitaalkii Martiini, halka dadkii ku naafoobay dagaalladii Muqdisho ka dhacay 2007-2008 ay u kala jiraan kuwo Reerahooda Muqdisho kula nool, kuwo weli Isbitaallo ku jira iyo kuwo fursad u helay in dalka dibaddiisa daweyn loogu qaado.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia