Talaado., February 24, 2009(HOL): Xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo ka qeybgalay wada hadalladii Jibouti ayaa sheegay in la burburiyay heshiiskii Jibouti,isla markaana laga baxay qaabkii uu heshiiska ahaa.
Xaawo Cali Jaamac oo ka mid ah Xubnaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa iyadoo ku sugan Dalka Jibouti waxay u sheegtay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdihso in heshiiskii Jibouti uu ahaa in la dhiso Dowlad Midnimo Qaran oo ay ku wada jiraan Dowladdii Federaalka, Isbaheysigii Dib u xoreynta iyo Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, balse taasi bedelkeeda la dhisay Dowlad aaney ku jirin Bulshada Rayidka.
Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa ku doodaya in boosaskii ay ku lahaayeen Dowladda Midnimada Qaran loo dhaariyay dad aanan ka mid ahayn Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxayna taasi ku tilmaameen mid sharci darro ah.
Xaawo Cali Jaamac waxaa ay sheegtay in ay ku noqonayaan dalka Soomaaliya, kadibna ay soo saari doonaan go’aanno ay ka qaadanayaan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.
Xubnaha ay ku doodayaan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed in laga qaatay ayaa waxaa horay u siiyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo qeyb ahaan uga helay Dowladda Midnimada Qaran 275 Mudane, iyadoo la xusuusan yahay in 75 Mudane uu siiyay Bulshada Rayidka iyo cid kasta oo aan looga maarmin xal u helidda mushkiladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia