Khamiis, 31 December 2009 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta ka hadlay welwelka ay Dawlad ahaan ka qabi karaan faafitaanka khataraha Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallama Koonfurta Soomaaliya. Waxaanu baaq u jeediyay dhalinyarta ka tahriibaysa Somaliland ee u haajiraya dalalka Yurub.
Madaxweyne Rayaale oo maanta u waramay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA, ayaa mar uu ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo ku aaddanaa in khataraha Al-Shabaab ay ku fidi karto Puntland iyo Somaliland haddiiba ay ku guulaystaan dagaallada ay Koonfurta Soomaaliya ka wadaan, ayaa wuxuu yidhi, “Horta, anaga waxa nagu cusub maaha warka uu Cabdilaahi (Madaxweynihii hore ee Soomaaliya) sheegay oo Madaxtooyadayda ayaaba la qarxiyay, argagixisaduna waxay dalka ka bilaabantay sanadkii 2003, waxaana lagu dilay Macallimiin, dhaqaatiir iyo dadka kale oo badan. |
Runta markaan kuu sheego Geeska Afrika dal Argagixiso xidhay oo Maxkamad soo taagay Somaliland baa jira.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yiri, “Anagu ma moogin (kama war li’in) oo Argagixisadu maaha mid meel kaliya fadhiya oo waa mid caalami ah, waxaanan qabaa in aanay ahayn kuwo Diiin iyo mabda’ kale toona ku dagaallamaya, balse ay yihiin kuwo guud ahaan Bani’aadamnimada la dagaallamaya. Run ahaantii, anagu waa feejiganahay oo waanu dedaalaynaa, Laascaanood dhawaan wax la qarxiyay waxa lagu dilay Sarkaal Ciiidanka Qaranka ka mid ah, maalin dhawayd waxa lagu qarxiyay wax kale oo dad baa loo qabtay..Laakiin, waanu u feejiganahay anaga iyo Shacabkuba in aanu ka hortagno Argagixisada.”
Mar Rayaale waxa laga waydiiyay qaraxyo qorshaysan oo bilihii la soo dhaafay ka dhacayay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool in ay salka ku hayso mucaaradad lagaga horjeedo Somaliland, ayaa wuxuu kaga jawaabay oo uu yiri, “Waxba kama jiraan ee waa Argagixiso, adduunyada dadka iska horjeedaa dagaal bay galeene Waddooyinka iyo Magaalooyinka dadku ku nool yihiin ma qarxiyo, maaha nin naga soo horjeeda ee nin wax qarxinayaa waa Argagixiso. Markaa waa arrin argagixiso tii Laascaanood ka dhacday oo waxay la mid tahay kuwii ka dhacay Hargeysa.” ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, waxaanu dedafeeyay eedayn Mucaaradka Somaliland Xukuumaddiisa ku eedeeyeen in ay lug ku lahayd dilkii Sarkaal Ciidamada Milatariga ee Somaliland ka tirsan oo Qarax lagu dilay dhawaan Magaalada Laascaanood. “..Dawladdu way baadhaysaa, umana naxariisan doonto ciddii qaraxaas geysatay ee sarkaalkaas dishay.”
Madaxweyne Rayaale waxa kale oo uu baaq u jeediyay dhalinyarta reer Somaliland ee tahriibka ugu dhaqaaqay dalalka dibedda ee ay reer Yurub ugu horreeyaan. Waxaanu waalidiinta dhashay dhalinyaradaas ugu baaqay inay Ubadkooda ka joojiyaan Tahriibka.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somalialnd
Xukuumadda Somaliland welwel ma ka qabtaa khatar kaga soo fool leh Al-Shabaab?
More News
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo sheegay in ay maamullo u dhiseen Deegaanno ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo.
- Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka dhan ah socdaalkii Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya ee Somaliland
- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sheegay in fadhiyada baarlamaanka ay u qabsoomi waayeen mushaar la'aan haysata xildhibaannada
- Ha'yadda ELMAN oo soo bandhigtay khasaaraha dadka shacabka kasoo gaaray dagaalladii sannadkan dhacay
- Wasiirka Warfaafinta, Hidanaha iyo Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Puntland oo jagadaas loo dhaariyay
- SHEEKH YUUSUF INDHA-CADDE: "Waxaan ogaannay in kooxaha Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ay qorsheynayaan Qaraxyo Ismiidaamin ah"
- Ciidammada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen inuu watay walxo qarax sameeya
- Dagaallo u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda oo xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Xisbul Islaam oo sheegay in ay weerar ku qaadayaan Itoobiya iyo Galgaduud.