Khamiis, 31 , Dec, 2009 (HOL) Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Ururka Xisbul Islaam Shuuriye Faarax Sabriye oo markii ugu horeysay ka hadlay weerarada is daba jooga ah ee maalmihii ugu danbeeyay lagu qaadayay fariismo ay leeyihiin Ururka Xisbul Islaam ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa ku tilmaamay in weeraradaasi yihiin kuwo laga soo abaabulayo Degmooyinka Guri-ceel ee Goballka Galgaduud iyo Degmada Feer-feer oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
Guddoomiyuhu waxaa sheegay in labadii cisho ee la soo dhaafay Ciidamada Xisbul Islaam ee gacanta ku haya Maaalada Beledweyne la kulmayeen weeraro habeysan islamarkaana khasaaro isugu jira dhimasho, dhaawac, iyo bur bur soo gaaray qaar ka mid ah gadiidka dagaalka ee Xisbul Islaam sababay, waxaana uu intaa ku daray in dhinacyada ka soo horjeeda wadaan abaabul dagaal oo dhinacyo badan ka kooban.
Shuuriye Faarax Sabriye oo hada ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale intaa ku daray in Weerarada ay ku qaadayaan goobaha uu carabka ku dhuftay ay la kaashan doonaan cid kasta oo sida uu hadalka u dhigay dooneysa in ay difaacaan Diinta Islaamka kana hortagaan Cadawgga ku soo duulaya.
Inkastoo Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Xisbul Islaam uu sheegay in ay weerar ku yihiin Goballka Galgaduud iyo qeybo ka tirsan Dalka Itoobiya, ayaa hadana dhinaca waxaa xusid mudan in Ciidamada Itoobiya ee maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa deegaannka Kala-beyr dib ugu laabteen degmada Feer-feer oo markii horeba ay ka soo ruqaasadeen.
Hadaba hadalka ka soo yeeray Shuuriye Faarax ayaa ku soo beegmaya xili Xoogagga Ururka uu ka tirsan yahay ee ku sugan Magaalada Beledweyne hada bilaabeen in ay difaac ka sameystaan gudaha Xaafadaha Magaalada, kadib markii labadii maalmood ee la soo dhaafay weeraro khasaaro sababay kala kulmeen Ciidamada ka soo horjeeda kuwaa oo sababay in Xisbul Islaam soo faaarujiyaan fariismo ay ku lahaayeen daafaha Magaalada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online