Khamiis, December 31, 2009(HOL): Dagaallo u dhexeeya ciidamada DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda xalay ku dhexmaray degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho ayaa sababay inay dhintaan ugu yaraan 3-qof oo shacab u badan ayna dhaawacmaan 9-qof oo kale.
Iskahorimaadkan oo bilowday 9:00-fiidnimo ee xalay ayaa socdya muddo hal saac ah, waxaana dhinacyada dagaalku u dhexeeyay ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan.
"Madfac ku dhacay guri ku yaalla xaafadda Taleex ee Degmada Hodan ayaa sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca afar qof oo kale, kuwaasoo ahaa dad rayid ah oo xaafaddaas ku noolaa" ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Hodan.
Goobjoogaha ayaa sidoo kale sheegay in madfac ku dhacay xaafadda Kaaso-bololaare uu sababay dhimashada 1-qof iyo dhaawaca saddex qof oo kale, oo ku sugnaa gurigooda.
Dagaalkan ayaa bilowday sida ay sheegeen saraakiisha DFKMG ah kaddib markii weerar lagu soo qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamadooda oo ku yaalla meel ku dhow Tarabuunka iyo Carwadii hore ee Muqdisho, ayna guulo ka gaareen.
Wasiir-u-dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhacadde oo dagaalka ka hadlay ayaa sheegay inuu ahaa mid u dhexeyay ciidanka dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda ayna horumar ka gaareen.
Yuusuf Indhcadde, wuxuu sheegay inay qabsadeen saldhigyo ay horay ugu sugnayeen kooxaha kasoo horjeeda oo ku yaalla degmada Hodan, inkastoo kooxaha dowladda ah kasoo horjeeda aysan ka hadlin dagaalka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dagaallo u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda oo xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho
More News
- Xukuumadda Somaliland welwel ma ka qabtaa khatar kaga soo fool leh Al-Shabaab?
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo sheegay in ay maamullo u dhiseen Deegaanno ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo.
- Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka dhan ah socdaalkii Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya ee Somaliland
- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sheegay in fadhiyada baarlamaanka ay u qabsoomi waayeen mushaar la'aan haysata xildhibaannada
- Ha'yadda ELMAN oo soo bandhigtay khasaaraha dadka shacabka kasoo gaaray dagaalladii sannadkan dhacay
- Wasiirka Warfaafinta, Hidanaha iyo Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Puntland oo jagadaas loo dhaariyay
- SHEEKH YUUSUF INDHA-CADDE: "Waxaan ogaannay in kooxaha Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ay qorsheynayaan Qaraxyo Ismiidaamin ah"
- Ciidammada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen inuu watay walxo qarax sameeya
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Xisbul Islaam oo sheegay in ay weerar ku qaadayaan Itoobiya iyo Galgaduud.