Khamiis, December 31, 2009(HOL): Hay'adda Nabadda iyo xuquuqda Aadanaha ee Elman ayaa soo bandhigtay tirada dadkii rayidka ahaa ee ku waxyeeloobay dagaalladii sannadkan ka dhacay Muqdsiho kuwaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM iyo kooxaha kasoo horjeeda.
Warsaxaafadeed ay hay'addu soo saartay ayay ku sheegtay in sannadkan ay ku dhinteen dagaalladii ka dhacay Muqdisho 1,739-qof, ayna ku dhaawacmeen 4,911-qof oo kuwaasoo dhammaantood ahaa dad shacab ah.
Elman ayaa ku sheegay warbixinteeda in sannadkii hore ay ku dhinteen dagalladii ka dhacay Muqdisho 7,574-qof, halka sannadkii ka horreeyay ee 2007 ay dagaallada ku dhinteen 8,636-qof, kuwaasoo aad uga badan inta dhintay sannadkan.
"Sababta keenaty in dhimashada shacabka ay sannadkan ka yaraato sannadadii hore waa iyadoo aanay jirin dagaallo fool-ka-fool ah oo khatar leh, balse dadka intiisa badan ay ku dhinteen madafiic la isdhaafsaday iyo gowrac" ayuu yiri Cali Yaasiin Geeddi (Fadhaa) oo ah guddomiye ku xigeen hay'adda Elman.
Guddoomiye ku xigeenka Elman ayaa sheegay in dagaallada haatan ka dhaca Muqdihso ay yihiin kuwo ka khasaare yar kuwii dhacayay intii ay ciidamada Itoobiya Soomaaliya ku sugnaayeen.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay inay ku dadaalayso in dagaallada ka dhaca Muqdisho aysan wax khasaare ah oo badan aysan shacabka u geysan, taas badalkeedana ay ka dalbanayso kooxaha kasoo horjeeda inay heshiis la gasho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ha'yadda ELMAN oo soo bandhigtay khasaaraha dadka shacabka kasoo gaaray dagaalladii sannadkan dhacay
More News
- Xukuumadda Somaliland welwel ma ka qabtaa khatar kaga soo fool leh Al-Shabaab?
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo sheegay in ay maamullo u dhiseen Deegaanno ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo.
- Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka dhan ah socdaalkii Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya ee Somaliland
- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sheegay in fadhiyada baarlamaanka ay u qabsoomi waayeen mushaar la'aan haysata xildhibaannada
- Wasiirka Warfaafinta, Hidanaha iyo Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Puntland oo jagadaas loo dhaariyay
- SHEEKH YUUSUF INDHA-CADDE: "Waxaan ogaannay in kooxaha Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ay qorsheynayaan Qaraxyo Ismiidaamin ah"
- Ciidammada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen inuu watay walxo qarax sameeya
- Dagaallo u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda oo xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Xisbul Islaam oo sheegay in ay weerar ku qaadayaan Itoobiya iyo Galgaduud.