Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo sheegay in ay maamullo u dhiseen Deegaanno ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Khamiis, December 31, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka arrimiya gobollada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaaday in ay maaamullo u dhiseen deegaanada ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka J/hoose.
 
Sheekh Ibraahim Garweyne oo ah Madaxa dacwada Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in deegaanada ay maamullada u sameeyeen ay ka mid yihiin deegaanka Buulo Xaaji, Cabdalla Biroole, Qooqaani, Beerxaani iyo weliba Deegaanka Kaamjaroon oo dhamaantood ku yaal galbeedka Magaalada Kismaayo.
 
Sheekh Ibraahim ayaa intaasi ku darya in maamullada ay u sameeyeen deegaannadaasi ay hoostagi doonaan Wilaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka isagoona sheegay in ay jiraan 3 tuulo oo aysan weli wax maamul ah u dhisnayn kuwaaso uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay maamullo ugu soo sameyn doonaan.
 
Waa markii ugu horreeysay oo wafdi heer sare ah oo ka baxay gudaha Magaalada Kismaayo ay socdaal maamul u sameyn ah ku soo maraan deegaanno ku yaal galbeedka gobolka J/hoose kuwaasoo ay iminka ka soo hirgeliyeen Maamullo Islaami ah oo hoostaga Wilaayada Xarakatu Shabaabul Mujaahidiin ee Gobollada Jubbooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya