Khamiis, December 31, 2009Wasiir-u-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in sannadkan cusub la doonayo in qaraxyo ismiidaamin lagu weeraro xarumaha dowladda Soomaaliya.
Sheekh Yuusuf Indhacadde wuxuu sheegay in weerarkaas la doonayo in loo adeegsado baabuur laga buuxiyay walxaha qaraxa kuwaasoo ay horay u lahaayeen hay'adaha gargaarka, isagoo aan sheegin goobaha la damacsanaa in lagu weeraro.
"Wararkan waxaan ka helay ilo wareedyo la shaqeeya xukuumadda oo ka tirsan kooxaha naga soo horjeeda, waxaana bilownay inaan sameyno ka hortag" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacade oo xusay in qorshayaashan ay yihiin kuwo horay aan uga dignay.
Qaraxyada ayuu sheegay in lagu beegi lahaa sannadka cusub bilowgiisa, iyaguna ay bilaabeen inay iska difaacaan kooxahaas, inkastoo aanay jirin warar arrintan ku saabsan oo kasoo baxaya kooxaha dowladda dagaalka kula jira.
"Goobaha in la qarxiyo la doonayo waxaa ka mid ah xarumaha AMISOM ay ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde oo sheegay inay wargeliyeen saraakiisha AMISOM.
Taliska Booliiska Somaaliya ayaa bishii hore sheegay inay ka warheleen qorshayaal lagu doonayo in qaraxyo loogu geysto Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Dekedda weyn, Madaxtooyada iyo Saldhigyada ciidanka si loo dilo madax dowladda ka tirsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
SHEEKH YUUSUF INDHA-CADDE: "Waxaan ogaannay in kooxaha Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ay qorsheynayaan Qaraxyo Ismiidaamin ah"
More News
- Xukuumadda Somaliland welwel ma ka qabtaa khatar kaga soo fool leh Al-Shabaab?
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo sheegay in ay maamullo u dhiseen Deegaanno ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo.
- Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka dhan ah socdaalkii Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya ee Somaliland
- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sheegay in fadhiyada baarlamaanka ay u qabsoomi waayeen mushaar la'aan haysata xildhibaannada
- Ha'yadda ELMAN oo soo bandhigtay khasaaraha dadka shacabka kasoo gaaray dagaalladii sannadkan dhacay
- Wasiirka Warfaafinta, Hidanaha iyo Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Puntland oo jagadaas loo dhaariyay
- Ciidammada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen inuu watay walxo qarax sameeya
- Dagaallo u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda oo xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Xisbul Islaam oo sheegay in ay weerar ku qaadayaan Itoobiya iyo Galgaduud.