Khamiis, December 31, 2009(HOL): Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Max'ed Nuur (Madoobe) oo saxaafadda la hadlay kaddib kulan uu la qaatay guddi hoosaadyada baarlamaanka ayaa shaaca ka qaaday in sababaha ay u qabsoomi la'yihiin kulammada baarlamaanka ay yihiin dhaqaale la'aan haysta xildhibaannada.
"Guddi hoosaadyada baarlamaanka waxay isla garteen in mushaar la'aanta haysata xildhibaannada ay sabab u tahay qabsoomid la'aanta fadhiyada baarlamaanka Soomaaliya, balse ay joogaan gudaha dalka xildhibaanno buuxin kara kooramyada uu ku qabsoomi karo baarlamaanka" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Sheekh Aadan Madoobe, wuxuu sheegay in xildhibannada baarlamaanka ee dibadda ku maqan ay dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qaybqaataan fadhiyada baarlamaanka, isagoo iska fogeeyay inay jiraan xildhibaanno si hoose lacago loo siiyay, wuxuuna hadalkaas oo la baahiyay uu ku sheegay mid aan waxba ka jirin.
Mar la weydiiyay sida uu u arko mudanayaasha ku howlan dhismaha maamul goboleedyo laga sameynayo koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay inaysan isku mashquulin xilligan howshaas, ayna kasoo qabgalaan kulammada baarlamaanka, kuwaasoo looga doodayo ajandayaal xasaasi ah.
"Dowladda waxaan ku boorrinaynaa inay soo dadajiso mushaaraadka xildhibaannada, waayo haddii aanu mudanuhu helin lacag uu gaari kusoo kireyso ma imaan karto xarunta shirku ay ka dhacayaan, taas ayaana keentay in kulammadii baarlamaanka ay todobaadkan baaqdaan" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe mar kale.
Fadhiyada baarlamaanka ee todobaadkan ayaa u baaqday sababo la xiriira kooramka oo buuxsami waayay, iyadoo dhawaan Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka dalbaday baarlamaanka inay ka shaqeeyaan sidii ay ula xisaabtami lahaayeen dowladda ayna sharciga u ilaalin lahaayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya