Khamiis, December 31, 2009(HOL): Xaflad maanta lagu qabtay Madaxtooyada Maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu dhaariyay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo hiddaha Md. C/xakiim Axmed Guuleed, iyadoo dhaaritan ay goobjoog ka ahaayeen madax kala duwan.
Madxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole oo ugu horreyn hadal ka jeediyay xafladda dhaarinta ayaa sheegay in wasiirka cusub ee loo magacaabay Wasaaradda Warfaafinta uu yahay mas'uul xilkiisa kasoo bixi kara, isla markaana dhallinyaro ah.
"Waxaan hubaan in C/xakiim uu kasoo bixi karo xilkiisa, waayo dhallinyaro aqoon wanaagsan u leh xilka loo magacaabay, waxaana u magacaabay xilkaan markii aan arkay kartidiisa shaqo iyo aqoontiisa" ayuu yiri C/raxmaan Faroole.
Faroole ayaa ka dalbaday shacabka Puntland inay la shaqeeyaan wasiirka, isagoo si gaar ah shacabka ugu boorriyay in laga doonayo inay ammaanka deegaannadooda ka shaqeeyaan, ayna xukuumadda kusoo wargeliyaan wax walba oo ay cilad u arkaan.
Wasiirka Wafaafinta ee cusub ayaa lagu hordhaariyay Madaxweyne C/raxmaan Faroole, wuxuuna badalayaa wasiirkii wasaaraddaas Marxuum Warsame Cabdi Shirwac (Seefta-bannaanka) oo sanadkan lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
C/xakiim Axmed Guuleed oo dhaarintiisa kaddib hadal kooban jeediyay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo magacaabay uuna ku boorrinayo saxaafadda inay ka shaqeyso wanaagga ayna sheegaan warar lagu kalsoon yahay oo aan abuurayn dhibaato.
Xafladda dhaarinta ahayd ayaa kusoo dhamaatay jawi wanaagsan, waxaana wasiirka uu si toos ah ula wareegay wasaaradda warfaafinta Puntland, iyadoo xil-la-wareegidiisa ay ku soo beegmeyso xilli ay xiran yihiin dhowr wariye oo uu ku jiro waryihii VOA-da ee Gaalkacyo Max'ed Yaasiin Isxaaq.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Wasiirka Warfaafinta, Hidanaha iyo Dhaqanka ee Maamul Goboleedka Puntland oo jagadaas loo dhaariyay
More News
- Xukuumadda Somaliland welwel ma ka qabtaa khatar kaga soo fool leh Al-Shabaab?
- Maamulka Islaamiga ah ee Gobollada Jubooyinka oo sheegay in ay maamullo u dhiseen Deegaanno ku yaal Galbeedka Magaalada Kismaayo.
- Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee UCID oo jawaab ka bixiyay hadal ka dhan ah socdaalkii Guddoomiye-xigeenka Baarlamaanka Kenya ee Somaliland
- Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo maanta sheegay in fadhiyada baarlamaanka ay u qabsoomi waayeen mushaar la'aan haysata xildhibaannada
- Ha'yadda ELMAN oo soo bandhigtay khasaaraha dadka shacabka kasoo gaaray dagaalladii sannadkan dhacay
- SHEEKH YUUSUF INDHA-CADDE: "Waxaan ogaannay in kooxaha Dowladda Soomaaliya ka soo horjeeda ay qorsheynayaan Qaraxyo Ismiidaamin ah"
- Ciidammada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo gacanta ku dhigay ruux ay sheegeen inuu watay walxo qarax sameeya
- Dagaallo u dhexeeya DFKMG ah iyo kooxaha kasoo horjeeda oo xalay ka dhacay Degmada Hodan ee Muqdisho
- Guddoomiyaha Goballka Hiiraan ee Xisbul Islaam oo sheegay in ay weerar ku qaadayaan Itoobiya iyo Galgaduud.