| Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan |
Murashaxa Madaxweyne-xigeenka ee Xisbiga UCID Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay cambaarayn uu Wasiiru-dawlaha maamul-wanaagga Maamul-goboleedka Puntland Faarax Ciise Gaashaan u jeediyay socdaalkii Faarax Macallin ee Somaliland. Waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay in aanay jawaab ka bixinin hadalka ka soo yeedhay Puntland, balse taa bedelkeedii ay u jawaabtay Murashaxa Madaxweyne-xigeenka KULMIYE Cabdiraxmaan-Saylici. “Ninka Puntland ka hadlay ee ceebeeyay Faarax Macallin oo socdaal Somaliland ku yimi, meelo Sool ka mid tahayna socdaal ku tegay. Faarax Macallin waa xiddig dadka Soomaalida ee Geeska Afrika dega danahooda aad iyo aad u daneeya. Reer Laascaanood wuxuu ula yimi talo wanaagsan, waxaanu ula yimi in uu waaniyo oo uu tusaaleeyo.” Ayuu yidhi Dr. Maxamed-Rashiid oo xalay ka hadlayay Telefishanka HCTV. Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Qolada UDUB halkii ay Saylici (Murashaxa Madaxweyne-xigeenka KULMIYE) uga jawaabaysay ee ay ka ceebaynayeen,
waxay ahayd inay u jawaabto Ninka Puntland ka hadlay.”
Maxamed-Rashiid wuxuu Maamul-gobolleedka Puntland iyo Madaxwenaheedaba ugu baaqay inay raalli-gelin ka bixiyaan hadlaka ka soo yeedhay Masuulkooda. “Markaa waxaan filayaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole in aanu la qabin fikraddaas ninka halkaa ka hadlay, waxaanan reer Puntland ka codsanayaa inay raalli-gelin u diraan Faarax Macallin. Sababtoo ah, Faarax Macallin hawlo badan ayuu ku lahaa Kenya, wuxuu u yimi in uu xaaladdeena eego. Arrinta kale ee in Laascaanood ay Somaliland tahayna waa mid aan laga noqonayn.” Ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne-xigeenka UCID.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland