Khamiis, December 10, 2009(HOL): Halgamaa ka tirsanaa aasaasayaashii ururkii gobonimo-doonka ee SYL ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo loo geeyay xaalad caafimaad.
Marxuum Cali Xasan Maslax (Barduuro) ayaa ka mid ahaa 13-kii dhallinyarada ahaa ee SYL aasaaska u dhigay, waxaana uu ahaa ruuxii ugu dambeeyay ee ka nool, iyadoo xanuun muddo hayay awgeed Isbitaal loo geeyay Magaalada Nairobi ee uu ku dhintay.
Ururkii SYL ayaa ahaa ururkii horseedka u ahaa xorriyadda ay Somalia maanta harsanayso, iyadoo dhallinyarada aasaasay ay ahaayeen kuwo si Soomaalinimo ah u go'aansaday inay xorriyadda dalkooda u dagaalamaan, kana xoreeyaan gumeysiga.
Cali Barduuro oo da'adiisu ay ahayd 93-sano ayaa xanuunkii loo geeyay Kenya u geeriyooday, isagoo intii uu dalku burburka ku jiray ku noolaa degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellada hoose.
Ehellada Cali Barduuro ayaa sheegay in Marxuumku uu lasoo shaqeeyay dowladihii dalka soo maray, uuna safiir ka noqday dalalka Ethiopia iyo Jarmalka, waxaana markii uu dhacday xukuumaddii hore uu ka shaqeyn jiray sidii ay Somalidu isku fahmi lahayd.
Halgamaa Barduuro ayaa lagu wadaa in maydkiisa loo qaado todobaadka soo socda dalka Somalia, si loogu aaso degmada Qoryooley oo uu ka dardaarmay in lagu aaso haddii uu geeriyoodo sida ay sheegeen qaar ka mid ah ehelladiisa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya