
Khamiis, December 10, 2009(HOL): Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika ayaa xaqiijiyay in qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho oo dhaawacooda culus yahay loo qaadi doono dalka Sacuudiga, si halkaas loogu soo daweeyo.
Safiirka waxaa uu sheegay in Dadkaas dhaawaca ah hadda lagu daweynayo Isbitaalka Aga Khan ee Magaalada Nairobi, wuxuuna caddeeyay in uu ka mid yahay Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga oo dhaawac culus qaba.

“Dadkii ka dambeeyay qaraxaas foosha xumaa waxaa cambaareynaya oo aad uga xun dadka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan xubnaha bulshada rayidka Soomaaliyeed ka socda ee shirkan ka qeybgelaya”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Ameerika oo khudbad ka jeediyay shirka isu keenidda codadka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka socda magaalada Mombasa ee dalka Kenya
Danjire Maxamed Cali Ameerika waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso sidii dalka Soomaaliya loogu soo celin lahaa nabaddii iyo xasiloonidii ka jiri jirtay, wuxuuna caddeeyay in ay taasi ku dadaaleysi qiimo kasta oo ay ugu kaceyso.
Safiirka oo sii hadlayay waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Soomaaliya oo tan iyo markii la soo dhisay wajaheysa caqabo dhinaca amniga ah oo uga imaanaya kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda haddana ay intii karaankeeda ah ku dadaali doonto in ay dalka dowladnimadiisii iyo nabaddiisii ay soo celiso.
Waxaa uu u mahadceliyay beesha caalamka oo uu sheegay in ay taageero u muujisay Dowladda Soomaaliya, wuxuuna codsaday Beesha Caalamka in ay taageeradeeda kordhiso, si buu yiri ay Dowladda Soomaaliya ugu sahlanaato in ay horay u dhaqaaqdo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]