Khamiis, 10, Dec, 2009 (HOL) Dagaal socday muddo kooban laakiin sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saaka ka dhacay nawaaxiga Hotelka Golobal ee Waqooyiga magaalada Muqdisho kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ku kacsan.
Dagaalka saakay ayay wararku sheegayaan in uu bilawday kaddib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday gaari TOYOTA ah, gaar ahaan nooca ay Soomaalida u taqaano Cabdi-Bile ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwo Dowladda Soomaaliya, waxaana intaas kadib la maqlay rasaas culus oo ay isweydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda.
Saraakiisha gaadiidka gurmadka deg degta ah ayaa waxaa ay sheegeen in aysan ka bixin karin tafaasiil rasmi ah khasaaraha dagaalka maadaama aysan wali tagin goobta dagaalku ka dhacay, laakiin waxaa ay sheegeen in lagu soo wargaliyay in uu jiro khasaare uu sababay dagaalka.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay goobihii saakay lagu dagaallamay ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladdu degan tahay isla markaana dhaqdhaqaaqu caadi ku soo laabtay, walow mar marka qaar la maqlayo rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan dhinacyada iska soo horjeeda.
Maalmihii aynu soo dhaafnay ayaa magaalada Muqdisho waxaa ay aheyd goob dagaal oo marba xaafad ka tirsan ay ku hardamaan kooxaha isku haya Siyaasada Soomaaliya, laakiin natiijada ugu danbeysa ee laga dhaxlo dagaalladaasi ayaa ah dhamasho iyo dhaawac soo gaara dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan sida Hooyo iy labo Caruur ah oo ay dhashay kuwaa maalin ka hor ku dhintay mid ka mid ah madaafiicda ay isweydaarsadaan dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]