Munaasabad loogu baroor-diiqayay dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho oo lagu qabtay Magaalada Oslo ee dalka Norway

Khamiis, December 10, 2009(HOL): Waxaa munaasabadan baroordiiqsa lagu qabtey magaalada Oslo oo loo sameeyey dadkii  ku dhintey qaraxii ismiidaaminta Hotel Shaamow ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan oo ay dhowr iyo labaatan qof ku naf waayeen kuwaasoo ay isugu jireen
Dhaqaatiir,macalimiin, arday caafimaadka ka qalin-jebisay, wasiirro ka tirsan Dowladda Soomaaliya, wariyayayaal iyo waalidiin.

Munaasabaddan baroordiiqda oo ka dhacdey Oslo waxaa ka qeyb galay Dhaqaatiir,Aqoon yahano,arday iyo dad badan oo jaaliyada ka tirsan, Dadkii ka hadley ayaa badan kood isku raacey in waxa dhacay ay ahaayeen wax aan horey loo aqoonin loona baahan yahay in la daraaseeyo ama casharo laga barto sidii looga hortagi lahaa falal sidaan oo kale ah.

Sidoo kale waxaa microphone ka lagu soo dhaweeyey gabar uu macalinkeedu ka mid ahaa macalimiinta ku dhimatey shilka, taasoo isku dayeysey in ay tacsi u dirto macalinkeedii ehelkiisa, nasiib daro markii ay wax yar hadashey ayay gabadhii miir doorsantey oo istaagii ka dhacdey sababo la xiriira dhibaatada ay ka hadleesay waxaana loo qaadey dhaqtarka, mar dambe oo aan la xiriirney waxaa naloo sheegey in ay fiican tahay .

Gunaanadka shirka ayaa ahaay mid loogu duceynaayey intii dhimatey in uu Allah u naxariisto inta dhaawaca ahna Allah bogsiiyo.

Hiiraan Online News Desk