Khamiis, 10, Dec, 2009 (HOL) Guddoomiyaha dhawan la magacaabay ee Maamulka Goballka Banaadir C/risaaq Max'ed Nuur (Eng Nuune ) ayaa sheegay in uu jiro wada hadal u socda Maamulka Banaadir iyo Mas'uuliyiita Dowladda Talyaaniga oo la xiriira sidii dalka Talyaaniga loogu qaadi lahaa qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho kuwaas oo la sheegay in dhaawacoodu daran yahay.
Guddoomiyuhu waxaa uu intaas raaciyay in uu arrintaas kala hadlay Safiirka Dowladda Talyaaniga u jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isla markaana wada hadalladoodu meel fiican marayaan uuna rajeynayo in dhawaan la qaado dadka dhaawacoodu culus yahay oo uu ku jiro Wasiirka Wasaarada Sportiga Saleebaan Colaad Rooble.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Goballka Banaadir waxaa si kulul u weeraray kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo uu ku tilamaamay in ay yihiin kuwo manaxayaal ah oo cidna u kala soocneyn, waxaana uu intaas ku daray in dhawaan Dowladdu talaabo ka qaadi doonto, isaga oo dhinaca kale Tacsi u diray Eeheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhantay qarax gaar ahaan Jaamacada Banaaadir.
Inkastoo qaraxii 3-bishan aynu ku jirno ka dhacay Hotelka Shaamow ee Magaalada Muqdisho si wada jira ah loo canbaareeyay ayaa haddana dhinaca kale waxaa wali jira wal wal laga qabo qaraxyo kale oo lala beegsado Mas'uuliyiinta Dowladda Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Maamulka G/Banaadir oo sheegay in ay Mas'uuliyiinta Talyaaniga kala hadlayaan sidii dalkooda loogu soo daaweyn lahaa qaar ka mid ah dadkii ku dhawaacmay qaraxii dhawaan ka dhacay Hotel Shaamow
More News
- Mid ka mid ah aasaasayaashii ururkii SYL oo ku geeriyooday Magaalada Nairobi
- Machad loogu magacdaray Qamar Aadan Cali waxna lagu barayo Haweenka oo maanta laga furay Magaalada Muqdisho
- Culummada Ahlu sunna Waljamaaca oo sheegtay inuu jiro heshiiskii ay Dowladda Somalia iyo Ahlusunna gaareen
- Dowladda Somalia oo kooxaha kasoo horjeeda ku eedeysay falal ka dhan ka ah xuquuqda aadanaha
- Madaxweynaha Soomaaliya oo qadka taleefoonka uga qeybgalay Shirweynaha Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka socda Magaalada Mombasa ee Dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)
- DANJIRE MAXAMED CALI AMEERIKA: “Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii Muqdisho ka dhacay waxaa dhaawacooda loo qaadi doonaa Dalka Sacuudiga”
- Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga ka soo horjeeda oo saakay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Muqdisho
- Wafdi ka socda Qarmada Midoobay oo booqday deegaanno ka tirsan Gobollka Galgaduud
- Munaasabad loogu baroor-diiqayay dadkii ku dhintay qaraxii Muqdisho oo lagu qabtay Magaalada Oslo ee dalka Norway