Khamiis, December 10, 2009(HOL): Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Qoyska Dowladda Somalia ayaa maanta ka furtay Muqdisho machad wax lagu barayo haweenka oo loogu magacdaray wasiiraddii Caafimaadka Somalia Qamar Aadan Cali oo ka mid ahayd dadkii ku geeriyooday qaraxii dhawaan Muqdisho ka dhacay.
Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay wasiirka hantida Qaranka iyo Qalabeynta ahna ku simaha wasaaradda Waxbarashada Somalia Max'ed Mursal, wuxuuna sheegay in machadkan uu yahay mid lagu xusuusan doono Qamar Aadan Cali.
"Machadkan waxaan rajeynaynaa inuu kor u soo qaado aqoonta Haweenka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca Tignolojiyadda iyo farsamada gacanta, waxaana la furi doonaan machadyo kale oo mataano la noqonda machadkan" ayuu yiri Max'ed Mursal.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha oo isaguna ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu yahay mid ay ka faa'iideysan doonaan haweenka Soomaaliyeed, laguna xusi doono sannad walba wasiirradii caafimaadka oo ku dhimatay shaqo Qaran.
Fowziyo Max'ed Sheekh oo ah wasiiradda wasaaradda Haweenka iyo Qoyska ayaa iyaduna xafladda ka sheegay in machadkan ay ka faa'iideysan deoonaan inta badan haweenka Soomaaliyeed, uuna noqon doono mid lagu xusuusto Qamar Aadan Cali.
"Machadku wuxuu bari doonaa haweenka Soomaaliyeed Computerka iyo habka maamulka shaqooyinka, waxaana dadka ka faa'iideysnaya ka mid noqon doona wiilal, inkastoo aan tiradooda ka dhintay 10%" ayay tiri Fowziyo Max'ed Sheekh.
Qamar Aadan Cali oo loogu magacdaray mahadkan ayaa ka mid ahay 3-wasiir oo ku dhintay qarax ka dhacay Hotel Shaamow 3-dii December oo ku aadanayn khamiistii hore, kaddib markii ruux naftiis hure ah uu qarax la beegsaday wasiirrada dowladda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya