Wafdi ka socda Qarmada Midoobay oo booqday deegaanno ka tirsan Gobollka Galgaduud

Khamiis, 10, Dec, 2009 (HOL) Wafdi ka socda Qaramada Midoobe oo ka kooban Sagaal xubnood ayaa gaaray deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya halkaa oo ay Maamulaan Culima'udiinka Ahlu Sunna Waljameeca.
 
Wafdiga oo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud ayaa waxaa ay kulan kula qaateen degmada Gure-ceel Mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada iyaga oo ka wada hadlay xaaladaha nolasha deegaannada Goballku ka kooban yahay.
 
Guddoomiyaha degmada Gure-ceel ee Goballka Galgaduud Shiikh Cismaan Ciise Nuur (Taar dhuleed ) ayaa sheegay in ay ka wada hadleen iyaga iyo Wafdiga sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha nolaleed ee la soo darsay dadka ku dhaqan Goballka Galgaduud, gaar ahaan dadka barkacayaasha ah oo ah kuwo ugu sii daran dadka ay la soo darseen xaaladaha dhinaca nolasha.
 
Kulanka kadib ayeey Wafdigu booqdeen qaar ka mid ah xeryaha ay ku jiraan dadka barkacayaasha ah oo isugu jira kuwo ka soo cararay colaad ka jirta Magaalada Muqdisho, iyo deegaannada abaaruhu ku dhufteen ee isla Goaballka Galgaduud kuwaa oo xaaladaha ay ku nool yihiin kuwa waramay Wafdiga, waxaana ay intaa kadib ku laabteen dhinaca Magaalada Nairobi.
 
Goballka Galgaduud ayaa ka mid ah Goballada bartamaha Soomaaliya ee bilihii ugu danbeeyay ay ka jireen abaaro kulul oo ku dhuftay dadka iyo duunyada ku dhaqan Goballka, waxaana booqashada Wafdiga la oran karaa waa mid rajo ku abuuri karta dadka u baahan gar gaarka ee ku nool Goballka Galgaduud.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]