Khamiis, December 10, 2009(HOL): Madaxa dhaqaalaha ee Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/waaxid Sheekh Max'ed C/lle oo maanta saxaafadda shir jaraa'id u qabtay saxaafadda isagoo ku sugan Magaalada Dhuusomareeb ee Gobolka Galguduud ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii dhawaan ay shaacisay DFKMG ah uu yahay mid jira.
"Heshiiskii ay dhawaan shaacisay dowladda Soomaaliya ee aan la galnay waa mid sax ah oo jira, aniga ayaana u saxiixay dhanka Ahlusunna" ayuu yiri Sheekh C/waxid oo intaas ku daray in laga beeniyay idaacadaha.
Afhayeenka Dowladda Somalia Cabdi Xaaji Goobdoon ayaa todobaadkii hore ka sheegay saxaafadda in qodobbada heshiiskaas ay ka mid ahaayeen in Ahlusunna iyo Dowladda Soomaaliya ay ku heshiiyeen inay ka mid noqdaan dowladda iyo in la iska kaashado dhinacyada ciidanka iyo sugidda ammaanka.
"Xubno ka mid ah dowladda iyo xubno ka mid ah Ahlusunna ayaa kulamo ay yeesheen ku gaaray heshiiskaas, aniga ayaana dhanka Ahlusunna u saxiixay" ayu yiri C/waaxid oo intaas ku darya in ururkooda uu taageersan yahay DFKMG ah, ayna u aqoonsan yihiin inay tahay midda keliya ee ka jirta gudaha dalka.
Sheekh C/raxmaan C/llaahi (Abuu-Yuusuf Al-Qaadi) oo todobaadkii hore saxaafadda shir jaraa'id u qabtay isagoo ku sugan Guriceel ayaa heshiiska ay shaacisay DFKMG ah ku tilmaamay mid aan jirin oo la been abuuray, isagoo xusay inuu yahay mid ay horay ugu baaqi jireen balse laga diiday.
"Ma jirto khilaaf u dhexeeya maamulka Ahlusunna ee Gobolka Galguduud, waa jirtaa in xubno ka mid ah maamulku ay ka hadleen wabaahinta ayna beeniyeen heshiiska, balse aniga ayaa idiin cadeynaya inuu jiro" ayuu yiri Sheekh C/waxid oo ka jawaabayay su'aal ahayd in kala hadalka ururku uu yahay mid khilaaf salka ku haya.
Heshiiskan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo dhexmara DFKMG ah iyo Ahlusunna iyadoo ay jireen hadallo kulul oo ay labadan dhinac warbaahinta isku marsiiyeen, kuwaasoo ka dhashay wareysi uu Madaxweyne Sheekh Shariif siiyay BBC-da.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya