Khamiis, December 10, 2009(HOL): Iyadoo maanta ay ku beegan tahay maalinta Xuquuqul bani'aadamka ee Adduunka ayaa waxay dowladda Soomaaliya ku eedeysay kooxaha kasoo horjeeda inay geystaan falal ka dhan xuquuqda aadanaha.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in kooxaha kasoo horjeeda ay dadka rayidka ah dhibaato ugu geystaan goobaha ay gacanta ku hayaan, taasoo uu ku tilmaamay mid ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
"Kooaxha naga soo horjeeda waxay dhibaatooyin ku hayaan dadka ku nool goobaha ay gacanta ku hayaan, sida inay dilaan iyagoo ku eedeynaya inay gafaf Islaamka ka dhan ah ay ku galeen" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Guddoomiyuhu wuxuu tusaale u soo qaatay hadal ay kulankii guddiga sare ee baarlaamaanku ku yeesheen Muqdisho hadal ay Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo guddiga difaaca xuquuqda aadanaha ee Baarlamaanka ay ku sheegtay in dilal dhowr haween ah loogu geystay geystay Kismaayo, Waajid iyo deegaanno kale ay mas'uul ka ahaayeen kooxaha dowladda kasoo hojeeda.
"Haweenkii lagu dilay deegaannada gacanta ugu jira kooxaha naga soo horjeeda waa kuwo aan sharciga loo cuskan, waayo qof kaligii sineysanaya ma jiro, qof kale oo lala dilayna ma jirin" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Dhanka kale; Hay'adda Nabadda iyo xuquuda aadanaha ee Elman ayaa bayaan ay maanta kasoo saartay Muqdisho kaga dalabtay Dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda inay dhowraan xuquuqda aadanaha inta ay dagaallada ku jiraan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya