5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 25, 2008
Hanti ku baaba’day Dab qabsaday Kaalin Shidaal oo ku taalla Magaalada Alley-baday

Sabti, 25 October 2008 (HOL): Kaalin shidaal oo ku taala badhtamaha Magaalada Allay-baday ee Gobolka Hargeisa ayaa dab ka kacay, Islamarkaana waxa uu dabkaasi baabi’iyay ilaa toban meheradood.

Dabkan ayaa sida la sheegay waxa uu dhashay ka dib markii shidaal lagu shubayey kaalintaasi uu dab-qabsaday. Kaasoo ay ku shufbeeleen maherado u badnaa Dukaamo iyo Bakhaaro ka ag-dhawaa oo ilaa tobaneeyo ahi kuwaasoo ilaa alaabtii hoos taalay shuf beeshay, in kasta oo aanu warku qiimaha ay ku fadhiyaan iyo inta ay leekaan karto mid-na xusin.

Dabka gubay guryahaasi ayaa ka dhashay kaalin nooca Bakhaarada ah ee foostooyinka lagu kaydiyo oo badhtamaha Magaalada ku taal oo booyadi markaa shidaal ku shubaysay, taasoo dabku ka dhashay shubistii ay foostooyinka ku shubaysay. Sidoo kalana dadwaynaha Magaalada Allaybaday ayaa isku dayey inay la tacaalaan oo ay bakhtiiyaan dabkaasi balse marba marka ka danbaysa ayey baaxada ololka dabku sii kacayey, waxaanu dabkii ku fiday sakadii kaalintu ku taalay oo ahayd goob ay meheraduhu ku badan yihiin, taasina waxay sababtay awoodii dabku inay ka itaal roonaato dadweynihii.
 
Barkhad M. Kaariye   Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland