Shaqada Maxjarka Boosaaso oo si rasmi ah u bilaabantay

Sabti, 25 October 2008 (HOL): Waxaa Maanta si rasmi ah u bilawday hawlaha shaqo ee  Maxjarka magaalada Boosaaso tan iyo intii uu xariga ka jiray Madaxwaynaha DGPL Maxamuud Xirsi Cadde.

In ka badan 300  oo neef ayaa maanta baaritaan caafimaad ku maray Maxjarka si loogu dhoofiyay dalalka aqbalay maxjarkan oo ay ka mid yihiin Qatar, Imaaratka iyo Dawlado kale oo Carab ah.

Cumar Ismaaciil oo ah Milkiilaha shirkadda Xoolo-dhoofinta Somalia ayaa sheegay in hawlaha Maxjarka ay si rasmi ah u  bilawdeen, isla markaa ay cid walba xoolaheeda keeni karto Maxjarka si loogu dhoofiyo.

Xoolaha Soomaalida ayaa awal sii mari jiray dalka jabuuti, halkaasi oo ay dhibaatooyin kala duwan la kulmi jireen, balse tani waxa ay sahlaysaa in xoolaha Somaalida ay ku dhoofaan si Magaalada Boosaaso ilaa ay ka tagaan meeshii loo waday.

Maxjarka Boosaaso oo ay ku xaroon karaan markiiba in ka badan 5000 neef ayaa loo arkaa in uu ka mid yahay kaabayaasha dhaqaale ee Puntland ugu waa weyn.

Maareeyaha Maxjarka Boosaaso  Axmed Faarax ayaa beeniyay Warar sheegaya in Maxjarka ay leeyihin beelo isu tagay, waxaana uu arintaasi ku sheegay in ay tahay kutiri-kuteen la dhoob dhoobay.

Waxaa ka hawlgala Maxjarka Boosaaso 99 shaqaale ah oo isugu jira ajnabi iyo Soomaali, kuwaasi oo loogu talagalay   in ay fududeeyaan hawlaha Maxjarka Boosaaso, maadaama uu yahay Isha labaad ee dhaqan-dhaqaale ee Puntland.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia