Sabti, 25 October 2008 (HOL): Goob ka mid ah kuwa Diiwaangelinta ee Magaalada Borama ee Gobolka Awdal ee Somaliland ayaa la sheegay in qalalaase ka dhacay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca tiro kale.
Qof-ka dhintay ayaa la sheegay in ay Gabadh ahayd, halka ay ku dhaawacmeen Dad aan ilaa hadda tiradooda la sugin kadib markii ay isku dhaceen qaar ka mid ah Ciidamada Booliska ee Goobtaas ku sugnaa iyo qaar ka mid ah Dadweynihii Is-diiwaangelinayay.
Si dhab ah looma oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay isku dhacan marka laga yimaado Dhimashada qofkaa iyo dhaawaca tiro kale. Maalintii saddexaad ayay isdiiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka Somaliland ka socotaa Gobolka Awdal, iyadoo marka laga tago dhacdadan maanta dhacday ay si habsami ah u socoto Diiwaangelintu.
Wixii Warar ka soo kordha kala soco Hiiraan Online.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland