Sabti, October 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in deegaannada u dhaxeeya Leego iyo Yaaq-biri-weyne oo isla gobolkaas ka tirsan uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo Itoobiyaan ah oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalkan ayaa sida wararku nagu soo gaarayaan qarxay kadib markii Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen Kolonyo Ciidamo ah oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan, kuwaasi oo ku sii jeeday Magaalada Muqdisho.
Dad ku sugan deegaanno u dhow halka uu dagaalka ka socda ayaa waxay sheegeen in dagaalka labadaas dhinac dhexmaraya la isugu adeegsanayo hub culus oo dhawaqiisa laga maqlayo meelo aad uga fog halka uu dagaalka ka socdo.
Lama sheegi karo ilaa iyo haatan khasaaraha dagaalka ka dhashay, waxaana taasi ugu wacan iyadoo weli dagaalka uu socdo, isla markaana halka uu ka dhacayo ay tahay meel baadiye ah oo ay dadka ku yar yihiin.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal ka dhaco inta u dhaxeysa Deegaannada Leego iyo Yaaq-biri-weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo ay deegaannadaas dagaallo ku dhexmareen dhinacyada uu hadda dagaalka u dhaxeeyo.
Wixii ku soo kordha dagaalkaas kala soco halkan haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia