Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobolka Bakool

Sabti, October 25, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay gaareen Degmooyinka Xudur iyo Waajid ee Gobolka Bakool.

Ciidamadan oo la sheegay in uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Bay Shiine Macallin Nuurow ayaa waxay labadaas degmo la wareegeen iyadoo aanu wax dagaal ah ka dhicin.

Ciidamadan oo ku hubeysnaa dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa markii ay degmada Xudur gaareen waxay howlgallo ka sameeyeen Degmadaas, iyagoo si gaar ah u bar-tilmaameedsaday xarumo u muuqday kuwo u  calaamadeysnaa.

Sidoo kalena, Ciidamadan ayaa waxaa gaareen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, waxayna wararka Degmadaas naga soo gaaraya sheegayaan in ciidamada markii ay halkaas gaareen ay qof toogteen, labo qof oo kalena ay dhaawaceen, iyadoo falkaasina ay si weyn uga xumaadeen Dadka ku dhaqan Degmadaas.

Labadaas degmo oo ay Ciidamada gaareen ayaa lagu soo waramayaa in aysan maanta ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, waxayna dadkii goobaha ganacsi lahaa ay ku sugan yihiin guryahooda iyagoo ka baqaya in ay waxyeello u geystaan Ciidamada la wareegay gacan-ku-heynta degmooyinkaas.

Degmooyinka ay Ciidamada Dowladda la wareegeen ayaa waxaa dhawaanahan ka talinayay Xoogag u daacad ah Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, kuwaasi oo meesha ka ceyrsaday Maamul ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacawday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia