Maraakiib NATO ay u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya oo ilaalin doona Maraakiibta Mucaawinada u wada Soomaaliya

Sabti, October 25, 2008(HOL): Seddex Markab oo ka mid ah Todobo Markab oo ay NATO u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya, si ay ula dagaallamaan Kooxaha Burcad Badeedka ayaa waxay ku wajahan yihiin Xeebaha Bariga Afrika, gaar ahaan tan Soomaaliya.

Seddexdan Markab oo ka kala socda Italy, Greece iyo Britain ayaa waxay ilaalin doonaan Maraakiibta u kireysan WFP ee raashinka Mucaawinada ah geeya Soomaaliya, waa sida uu ku waramay Afhayeen u hadlay Gaashaan-buurta NATO.

Afhayeenka u hadlay NATO oo lagu magacaabo James Appathurai ayaa sheegay in afarta Markab ee hartay oo ka imaan doona dalalka Germany, Turkey iyo USA ay iyaguna ku wajahan yihiin Xeebaha Soomaaliya.

NATO ayaa waxay Maraakibtan oo ah kuwo dagaal u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya kadib markii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aamiyay in Ciidamo ilaaliya loo diro Xeebaha Soomaaliya oo ay ku soo bateen Kooxo burcad Badeed ah oo Maraakiibta qafaasha, dabadeedna lacag madax furasho ah ka qaata.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ka dilaacay Kooxo Burcad Badeed ah oo caan-baxay, kuwaasi oo wax aan macquul ahayn ka dhigay raashinka Mucaawinada ah ee ay WFP geyso Soomaaliya kadib markii ay dhowr jeer weerareen maraakiib u kireysan, waxayna taasi keentay in ay WFP ay dalbato Maraakiib dagaal oo galbiya maraakiibta ay mucaawinada ku geyso Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia