Sabti, October 25, 2008(HOL): Maamulka ka taliya Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu amar ku bixiyay in aan gudaha Magaalada Marka lagu qaadan karin hub, iyadoo ciddii amarkaas jebisana loo sheegay in tallaabo laga qaadi doono.
Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose Nuuriye Cali Faarax ayaa oo saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in aaney gudaha Marka hub ku qaadan karin cid aan ka ahayn Ciidamada Maamulka Gobolka iyo Ilaalada Hay’adaha Samafalka oo uu sheegay in hubkooda lala socdo.
Nuuriye Cali Faarax waxaa uu sheegay in amarkan ay uga gol leeyihiin in ay ku sugaan ammaanka Gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan kan Magaalada Marka oo uu sheegay in ay ku soo noqnoqdeen falal nabadgelyo darro ah.
“Ciddii lagu arko gudaha Magaalada Marka iyadoo hub ku wadata, tallaabo ayaan ka qaadi doonnaa, hubkana waan kala wareegi doonnaa”ayuu yiri Nuuriye Cali Faarax, Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Shabeelaha Hoose.
Amarkan uu soo saaray Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo deegaanno ka tirsan Gobolka, gaar ahaan Magaalada Marka iyo nawaaxigeeda ay ka dhaceen falal dil iyo qaraxyo isugu jiray, kuwaasi oo lala eegtay mas’uuliyiin ka tirsanaa hay’ado samafal ah oo Gobolka ka howlgelayay.
Dhawaan ayay ahayd markii gudaha Magaalada Marka lagu dilay Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, kaasi oo lagu magacaabo jiray C/naasir Aadan Muuse, iyadoo maalmo ka hor dilkaasna gudaha Degmada lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda Water For Life (WFL).
Ka sii horna waxaa meel u dhaxeysa Deegaanka Shalaambood iyo Degmada Marka qarax Miino lagula beegsaday Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS, iyadoo sarkaalkaas oo Ajnabi ahaana uu dhaawac fudud ka soo gaaray Qaraxaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia