Sabti, October 25, 2008(HOL): Waxaa maanta mar kale shir isugu imaanaya Dalka Jibouti Guddiyo ka kala socda Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta, kuwaasi oo sii amba qaadi doona wada hadallo u socday.
Guddiyadan oo qaabilsan siyaasadda iyo ammaanka ayaa waxay ka wada hadlayaan qodobo ku saabsan sidii ay Ciidamada Itoobiyaanka dalka Soomaaliya uga bixi lahaayeen waqti cayiman, isla markaana ay labada dhinac uga wada shaqeyn lahaayeen sugidda ammaanka dalka, iyadoo qodobkaasina ay labada dhinac ku kala tageen shirkii midkan ka horeeyay.
Mas’uuliyiin u hadlay dhinacyada ku shiraya Jibouti ayaa waxay rajo ka muujiyeen in ay shirkan ka soo bixi doonaan miro wanaagsan oo xal u noqon doona mushkiladda nabad iyo nolol la’aaneed ee ka taagan dalka Soomaaliya.
C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Ergada Wada Hadallada Jibouti u qaabilsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u sheegay Laanta Afka Soomaaliga ee BBCda in wada hadallada ay maanta isugu imaanayaan iyaga iyo Dowladda Federaalka la isku af-garan doono.
Wuxuu sheegay in Guddiyada labada dhinac ee Ammaanka qaabilsan ay Seminarro iyo talooyin ku soo qaadeen Dalka Koofur Afrika, wuxuuna sheegay in qaabka wada hadallada u dhici doonaan ay yihiin kuwo aaney caqabado kale ka imaan doonin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, bil ka hor ayay ahayd markii ay Guddiyada labada dhinac ku guuleysan waayeen in ay saxiixaan heshiis xabad-joojin ah, waxaana taasi ugu wacnaa iyagoo isku qabtay qodob ku saabsan bixitaanka Ciidamada Itoobiya, kadibna u baahday in ay la-tashiyo ka soo sameeyaan qodobkaas oo ah mid aad xasaasi u ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia