Madaafiic Hoobiyayaal ah oo xalay lagu garaacay Garoonka Diyaaradaha Baydhabo

Sabti, October 25, 2008(HOL): Xoogagga Al-Shabaab ee sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay xalay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo ay fariisin ku leeyihiin Ciidamo Itoobiyaan ah.
 
Ku dhawaad toban Madfac ayaa la sheegay in ay ku dhaceen gudaha Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, hayeeshee lama oga khasaaraha soo gaaray Ciidamada Itoobiyaanka ah ee halkaas fariisimada ku leh.

Dad degan nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Baydhabo ayaa sheegay in ay madaafiicdaas kadib maqlayeen rasaas xooggan oo u muuqatay mid ay ridayeen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee madaafiicda lagu weeraray.

Ma ahan markii ugu horeysay oo madaafiic lagu weeraro Ciidamada Itoobiyaanka ah ee fariisinka ku leh Garoonka Diyaaradaha Baydhabo, waxaana jirtay seddex jeer oo hore oo sidan oo kale madaafiic hoobiyayaal ah lagu weeraray.

Dhanka kalena, Isbitaalka Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la gaarsiiyay dhaawaca shan askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku soo dhaawacmay dagaal shalay ka dhacay duleedka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Degmada Berdaale-na waxay sheegayaan in xaaladda degmadaas ay degan tahay, inkastoo ay weli is-horfadhiyaan dhinacyadii ay dagaallada u dhaxeeyeen.

Degmada Berdaale ee Gobolka Bay ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaallo dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya oo isku dhinac ah iyo Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana dagaalladaas ku soo noqnoqday lagu sababeeyey iyadoo ay marin u noqotay Ciidamada Itoobiya oo marka ay dalka ka baxayaan sii mara, marka ay soo gelayaana soo mara.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia