5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 4 , 2008
Madaxwayne ku Xigeenka Puntland oo ka soo laabtay Safar Shaqo iyo Caafimaad isugu jiray oo uu ku tegay Dalka Itoobiya

Isniin, August 04, 2008(HOL):  Madaxwayne ku xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland Xasan Daahir Afqurac ayaa maanta soo gaaray Magaalada Boosaso, isagoo ka soo dagay garoonka diyaaradaha Bandar Qasim ee Magaalada Boosaaso.

Madaxwayne ku xigeenka DGPL waxaa Airportiga ku soo dhaweeyay Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Golaha Xukuumadda Puntland ,waxaana masuuliyiintii soo dhawaysay ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta ,Wasiirka Waxbarashada ,Guddoomiyaha Gobolka, duqa Degmada Boosaaso iyo Mas’uuliyiin kale oo aad u fara badan.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa muddo afar bilood ah ugu maqnaa dalka Itoobiya hawlo dhanka Caafimaadka ah, isagoo intii uu ku sugnaa dalkaasina la soo kulmay Masuuliyiin ka tirsan xukuumada dalka Itoobiya sida wasiirka Gaashaandhiga dalka Itoobiya oo ay ka wada hadleen xiriirka Puntland iyo Itoobiya ka dhaxeeya , iyadoo sidoo kalena intii uu ku Maqnaa dalka dibaddiisa Madaxwayne ku xigeenka Puntland  uu soo maray dalka Jabuuti.

Xasan Daahir Afqurac oo saxaaafadda kula hadlay Gudaha Air-portiga Boosaaso ayaa tilmaamay in uu aad u wanaagsanyahay xiriirka Miletri ee ka dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya ,wuxuuna xusay in ay labada dowladood  iska kaashanayaan wax walba oo khuseeya dhanka amniga.

Madaxwayne ku xigeenka DGPL ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladdiisa Caafimaad, waxaana uu sheegay in iminka ay tahay xaaladdiisa Caafimaad  ay tahay mid aad u wanaagsan.

Imaanshaha Madaxweyne ku xigeenka DGPL Xasan Daahir Af-qurac ee Magaalada Boosaaso ayaa ku soo beegmaysa, xilli Maamulka Puntland uu ku Mashquulsan yahay arrimo badan oo la xiriira Dhanka amniga iyo Dhaqaalaha.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso ,Somalia