Nuxurka kulan dhexmaray labada Shir guddoon ee Baarlamaanka Somaliland iyo Madaxweyne Rayaale

Isniin, August 04, 2008(HOL): Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ayaa xalay ilaa maanta kulamo kala gaar gaar ah Madaxweyne Rayaale iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada kala yeeshay arrinta muranka dhoofka Xoolaha ee muddooyinkan u dambeeyay ka taagnaa Somaliland.

Siday ay sheegeen labada Guddoomiye ee aqalada Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, wada-hadalladaas ayaa wali socda. Iyaga oo maanta kulan ay isugu yimaadeen labada Shirguddoon iyo 4 Wasiir oo Xukuumadda Madaxweyne Rayaale ka tirsan aan la ogayn ilaa hadda waxay ka wada hadleen, hase ahaatee warar u dhuun-daloola arrimahaas ayaa sheegay in ay saddexda dhinac ka wada hadleen muranka dhoofka Xoolaha iyo sida laga yeelayo. "Saddexdii Gole way shireen, waanay shirayaan, waana laydiin sheegi doonaa wixii ka soo baxa, insha Allah dhakhso ayaanay u soo bixi doontaa." Sidaa waxa Saxaafadda isaga oo socda, isla markaana gaadhigiisa koraya u sheegay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan.

Dhinaca kale, inkasta oo ay ka gaabsadeen 4-ta Wasiir ee shirguddoonka la shiray oo kala ahaa, Wasiirada, Xannaanada Xoolaha, Idiris Ibraahim Cabdi, Arrimaha Gudaha, Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Ganacsiga, Cismaan Qaasim Qodax iyo Duulista Hawada, Cali Maxamed Waran-Cadde, inay wax faahfaahin ah ka bixiyaan waxyaabaha lagaga wada hadlay Shirkaas oo ka dhacay Xafiiska Guddoomiyaha Guurtida, haddana Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), oo ay Saxaafaddu wax ka waydiisay wada hadalladan, waxa uu ku jawaabay, "Arrintaa waa lagu dhex jiraa, Golayaashuna way ku dhex jiraan, manay dhammaan insha Allah waxaan rejaynayaa inay maanta soo gebogebowdo".

Guddoomiyuhu waxa kale oo wax laga waydiiyay maadaama ay Gole ahaan ku tilmaameen heshiiskan mid xaaraan ah oo Dastuurka ka soo horjeeda, siday dhexdhexaadin uga galayaan muranka iyo sidoo kale nuxurka kulan xalay dhex maray labada Shirguddoon ee Baarlamaanka iyo Madaxweyne Rayaale, waxa uu kaga jawaabay, "Hawlaha Qaranka waa laga wada hadli karaa, arrintaasina waa arrin Qaran. Sidaa darted, kulankaasi wuxuu ahaa mid ka dhaxeeya Golayaasha Qaranka”.

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in ka Gole ahaan ay ka xun yihiin Xoolaha ku xanniban Dekedda Berbera, "Arrintaa waanu ka xunnahay, xalkeediina waa la raadinayaa oo waanu ku jirnaa" ayuu yidhi Guddoomiyuhu.
 
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland