Isniin, August 04, 2008(HOL): Waxaa maanta ka amba baxay Magaalada Marka ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka ka arrimiya Gobolkaas, kuwaasi oo sheegay in lagu casuumay ka qeybgalka shir looga hadlayo dhibaato heysata Dad u barakacay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Arrimaha Ammaanka Maxamed Maxamuud Cilmi iyo Isu-duwaha Gargaarka Bani’aadannimada Gobolka Maxamuud Daahir Qoolley ayaa sida ay sheegeen diyaarad uu UN-ka u soo diray waxay ka raaceen Garoonka Diyaaradaha Ceel Axmed ee duleedka Magaalada Marka.
C/llaahi Qoolley oo ka hor intii uusan ka amba bixin Magaalada Marka la hadlay Warfidiyeennada ayaa wuxuu sheegay in lagu martiqaaday Shir looga hadlayo wax ka qabashada dhibaatada heysata dadka u barakacay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna intaas ku daray in shirkaas oo dhici doona 6-da bsihan ay ka jeedin doonaan warbixin ku saabsan gobolka ay ka socdaan.
Socdaalka ay Mas’uuliyiintan ka socota Gobolka Shabeelaha Hoose ku aadeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dhibaateysan yihiin dad aad u badan oo ka barakacay dagaallada iyo amni darrada ka jira Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia