Isniin, August 04, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee jooga Magaalada Beledweyne oo tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu dhamaaday dagaalkii dhawaan ay kula galeen gudaha Magaalada Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga aan dhaafin Saldhigyada ay taagan yihiin, ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay bilaabay dhaq-dhaqaaqyo u muuqda kuwo lagula soconayo Nabad-galyadda guud ee magaaalada kadib qaraxii maalintii shalay ahayd ka dhacay.
Ciidamada Itoobiya ee jooga saldhiga Booliska Magaalada Beledweyne ayaa saakay ahaa kuwo si weyn u feejigan, waxaana ay Ciidamadu ku wareejiyeen ilinka hore ee Saldhiga (Dhagaxyo) dadka lagu wargalinayay in aysan soo dhaafin, marka laga reebo Odayaasha Dhaqanka oo saacad walba kulamo la qaata Ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale habeennimadii xalay ahayd ayaa la arkayay Ciidamada oo dhax wareegaya qeybo ka mid ah xaafadaha Magaalada oo aan horay looga baran, inkastoo aysan jirin cid la sheegay in Ciidamadu ay soo xireen intii ay ku guda jiraan howl-galka.
Dhaq-dhaqaaqan ay bilaabeen Ciidamada Itoobiya ayaa ka danbeeyay Qaraxii shalay lagu weeraray ganacsade saaxiib dhaw la ahaa Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Tariiin C/dulle Shiikh Cumar, kaasi oo qaraxa lala beegsaday isagoo ku sugnaa iridka Bakhaar uu Qaadka kula soo dego oo magaalada Beledweyne.
Ganacsadaha weerarka lagu qaaday ayaa sidoo kale 6-bishii aynu soo dhaafnay ka bad baaday Miino dhulka loogu aasay waxaana xiligaa bur bur aan sidaa u sii badneyn uu soo gaaray gaarigii uu saarnaa.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ay sheegeen weerarrada lagu ugaarsanayo dadka gacan-saarka la leh in ay yihiin kuwo ay ka danbeeyaan kooxaha ka soo horjeeda, waxaana ay intaas ku dareen in aysan arintaas u dulqaadan doonin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa la oran karaa magaalada Beledweyne waa meel wali ammaankeeda la isku haleyn karin, lamana oga sida mar walba xaaladdu isku badali doonto.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia