Soomaaliya ka qeybgeleysa Ciyaaraha Olombikada Adduunka ee ka dhacaya Magaalada Beijin ee Dalka China

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish
Isniin, August 04, 2008(HOL): Sida uu HOL u xaqiijiyay Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, ahna Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Kolayga Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa maanta ka amba baxaya Magaalada Muqdisho Wafdi Isboorti oo ku sii jeeda Magaalada Beijin ee Dalka China, halkaasi oo ay 8-da bishan ka bilaabanayaan ciyaaraha Olombikada Adduunka 2008.

Aadan Xaaji Yabarow Wiish waxaa uu sheegay in Wafdigan Soomaaliya ka socda oo tiradooda gaareyso 9 xubnood oo isugu jira Mas'uuliyiin Isboorti iyo Ciyaartoy uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed C/qaadir Ibraahim Gacal Abkow, isagoo sheegay in marinka duullimaadka wafdigan uu yahay Jibouti, Dubai iyo Beijin.

"Waxaan rajeyneynaa in Ciyaartoyda Soomaaliya meteleysa marka ay tagaan Magaalada Beijin ee Dalka China ay guulo u soo hoyn doonaan Dalka Soomaaliya, aad ayaana ugu faraxsan nahay  ka qeybgalka ciyaaraha Olombikada Aduunka"ayuu yiri Aadan Xaaji Yabarow Wiish.

Taariikhdu marka ay tahay 08/08/08 ayaa waxaa Magaalada Beijin ee Dalka China ka furmi doona Ciyaaraha Olombikada Adduunka, kuwaasi oo ay ka qeybgelayaan 205 dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana Soomaaliya sanadkan uga qeybgelaya Ciyaartoy ku tartami doonta Ciyaaraha fudud.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia