Isniin, August 04, 2008(HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta Xilkii ka qaaday Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryaynta, isla markaana u magacaabay Wasiir-ku-xigeen cusub.
Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadu, waxa xilkii laga qaaday Wasiir-ku-xigeenkii Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi, isaga oo xilkaa u magacaabay Cabdirisaaq Cawil Bacaluul.
Warsaxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:
"Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud iyo Guryaynta , isla markaana uu xilka kaga qaaday Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Hawlaha Guud.
Madaxweynuhu, markuu arkay qodobka 90-aad , farqadiisa labaad ee dastuurka JSL , iyo ahmiyada weyn ee wasaarada Hawlaha guud iyo guryayntu ay u leedahay dalka iyo dhismihiisa , isla markaana isaga oo tix gelinaya kartida aqooneed iyo hufnaanta shaqo , waxa uu u magacaabay Mudane C/risaaq Cawil Bacaluul in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta, sida ugu dhakhsaha badan uu ula wareego xilkaa loo igmaday.
Sidoo kale , Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta C/rashiid Ducaale Qambi , isla markaana waxa uu faray sida ugu dhakhsaha badan uu xilka ugu wareejiyo Wasiir ku xigeenka Cusub , si niyad sami ah iyo kalsooni ah, sidii horeba isaga loogu wareejiyay xilka markii hore ee la magacaabay."
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland