Isniin, August 04, 2008(HOL): Ururro ay ku midoobeen Haween ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa maanta waxay deeq lacageed gaarsiiyeen haween tiradooda kor u dhaafeyso 40 haween ah, kuwaasi oo ku dhaawacmay Qarax shalay ka dhacay Wadada Makka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Ururka Ganacsatada Webi Shabeelle Marwo Caasho Shaacuur Ugaas oo ka mid ahayd Haweenkii deeqda lacageed gaarsiiyay haweenkaas dhibanayaasha ah ayaa sheegtay in ay iska soo uruuriyeen lacag dhan 40 Milyan oo Sh. So ah, isla markaana ay u qeybiyeen 38 Haween ah oo lagu daweynayo Isbitaalka Madiina, kuwaasi oo qaraxii shalay ku dhaawacmay.
Caasho Shaacuur Ugaas waxay sheegtay in Haweenka ay lacagta u qeybiyeen ay yihiin kuwo uur-ku-taallo ku abuurayo qof kasta oo arka, “Haweenka aan aragnay waxaa ku jirta Gabar qaraxaas ku weysay labadeeda lugood oo hadana xaamilo ah, taasi oo hadana ka soo jeedda qoys sabool ah oo aan wax heysan”ayay tiri Caasha Shaacuur Ugaas oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha Samafalka in ay Haweenkaas dhibaateysan ay u gurmadaan.
Ugu dambeyntiina, Caasha Shaacuur waxay mahadcelin u jeedisay Maamulka, Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyayaasha Caafimaad ee ka howlgala Isbitaalka Madiina, kuwaasi oo ay sheegtay in ay si weyn ugu gurmadeen Haweenkii dhibaatada soo gaartay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia