Isniin, August 04, 2008(HOL): Habeenkii xalay ahaa waxaa magaalada Muqdisho siyaabo kala duwan loogu dilay afar ruux oo labo ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah, halka labada kalena ay ahaayeen Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka.
Labada Ruux ee rayidka ah ayaa lagu dilay guri ay deganaayeen oo loogu galay, kaasi oo ku yaala Degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir, iyadoo dilka labadaas ruuxna loo adeegsaday Rasaas iyo Mindi.
Mid ka mid ah dadka deegaanka uu dilka ka dhacay ayaa sheegay in labada ruux ee la dilay ay ilaalinayeen guriga lagu dilay oo dadkii lahaa ay dalka dibadda uga maqan yihiin, iyadoo si naxariis darro ah loo dilay labadaas ruux oo haatan la raadinayo ehelladooda si loo aaso.
Dhanka kalena, Tookiyada Degmada Yaaqshiid ayaa xalay waxaa lagu dilay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo la sheegay in ay toogteen kooxo hubeysan oo ku weerareen gudaha Tookiyada Degmada Yaaqshiid.
Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus ayaa sheegay in Ciidamada la dilay ay ahaayeen kuwo ku jiray howlgal ay kula dagaallamayeen burcad looga soo sheegay Tookiyada Degmada Yaaqshiid.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanayay in muddo ah dilalka loo geysto dadka rayidka iyo weliba dadka u shaqeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo taasina ay magaalada ka dhigtay mid ay amni darro aawgeed uga carareen dad badan oo ku noolaa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia