Isniin, August 04, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay dhaawaceen Xoghayihii Arrimaha Bulshada Maamulka gacanta ku haya Magaalada Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabo Xareed Cali Durdur.
Mas'uulkan oo kooxihii dhaawacay ay seddex xabadood kaga dhufteen gacanta iyo caloosha ayaa dhaawaciisa waxaa loola cararay Isbitaalka Magaalada Kismaayo, halkaasi oo haatan looga daweynayo dhaawicii soo gaaray.
Dr. Shiikh Cali Xasan oo ka mid ah Dhaqaatiirta Isbitaalka Kismaayo ayaa sheegay in dhaawaca Xareed Cali Durdur uu yahay mid aan darneyn oo sahlan, wuxuuna sheegay in ay dhaqaatiirta ku howlan yihiin sidii ay u daweyn lahaayeen.
Magaalada Kismaayo ee Xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose oo uu ka taliyo maamul beeleed ayaa in muddo ah ammaankeeda wuxuu ahaa mid sii xumaanayay, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay dilal loo geysanayay dad aan waxba galabsan kuwaasi oo uu ugu dambeeyay Wariye Nasteex Daahir Faarax oo ay Kooxo hubeysan ku dileen gudaha Magaalada Kismaayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia